Kooxda Ahlu Sunnah oo mamnuucday in dhul sharci daro ah la Iibsado.
Bartamaha(Guri-Ceel):-Kooxda Ahlu-sunnah Wal-jamaaca ayaa amar ku bixisay in la joojiyo Iibinta dhulalka danta guud oo laga iibsanayo Gobolka Galgaduud.
Madaxda Maamulka Degmada Guriceel ee Gobolka Galguduud ayaa shaaca ka qaaday in aanay arki Karin dhul la iibsanayo sharci la’aan iyo Iibsiga dhulalka danta guud ee Gobolka ku yaala.
Sheekh Xasan Cilmi Geedi oo ah gudoomiyaha Guri Ceel Ahlu sunnah maamulkeeda ka haya ayaa sheegay in ay talaaba ka qaadayaan dadka doonaya in ay Iibsadaan dhulalka danta guud ee Gobolka ku yaala.
Sargaalkaasi Ahlu sunna u hadlay ayaa sheegay inay ciqaab adag marin doonaan ciddii lagu helo iyadoo iibsanaysa ama dhisanaysa dhul aanay sharci buuxa u haysan sida dhulalka danta guud.
Amarkan lagu mamnuucayo ee ka soo baxay Ahlu sunnah ayaa imaanaya xilli Gobolka Gadgaduud dhawaanahan uu ku baahay isqabqabsi la xiriira dhulalka kala iibsigooda.
Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments