Calendar

Kooxda Ahlu Sunah Hiiraan oo beenisay in Ciidamo ka goostay ay Shabaabka ku biireen.

AhlusunaBartamaha(Hiiraan):-Kooxda Ahlu sunnah Wal Jamaaca Gobolka Hiiraan ayaa si kulul u beenisay in ay ka goosteen Ciidamo.

Aadan Cabdi Ciise  “Aadan Garaaso” oo ka mid ah Saraakiisha Ahlu sunnah ayaa shaaca ka qaaday in aanu jirin wax Ciidamo ah oo ka tagay Ahlu sunnah kuna biiray shabaabka.

Aadan Garaaso waxa uu xusay in alshabaab ay been abuur sameeyeen maadaama aanay jirin wax ciidamo ah oo ka goostay maamulka Ahlu sunnah Gobolkaasi Hiiraan.

Sargaalkan waxa uu xusay in dhammaan Ciidamada ahlu sunnah ay tirsanyihiin isagoo beeniyay in ay xeryaha ka maqanyihiin gaari dagaal iyo Ciidanka saran.

Al-shabaab Hiiraan ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in ay ku soo biireen gaari dagaal iyo Ciidamadii saarnaa oo ka soo goostay dhanka Maleeshiyaadka Ahlusunna Hiiraan.

Labada Koox ayaa waxa ay dhawaanahan ku dagaalamayeen Gobolka Galgaduud waxaana laga baqanayaa in ay u soo weeciyaan dirirtooda gudaha Gobolka Hiiraan oo dhawaanahan ammaan ahaan daganaa.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: