Koox wejiga soo xertay oo Xalay dilay Nabadoon ka mida Odayaasha Hawiye.
Bartamaha(Lafoole):-Kooxo afka soo duubtay ayaa Xalay toogasho ku dilay Nabadoon caan ah oo ka mida Golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye.
Koox Bistoolado wadatay ayaa waxa ay rasaas la beegsadeen Nabadoon Cabi Maxumed Jimcaale “Cabdi Shabaag†xilli uu ka soo baxay Salaadi Cishaha Deegaanka Lafoole ee duleedka Muqdisho.
Nabadoonka oo ahaa nin da’ahaan ahaa 60-Sano jir ka mid ahaa aasasaakii Odayaasha Beelaha Hawiye oo inta badan ku baaqa Nabada Dalka iyo daganaanshaha magaalada.
Nabadoonka ayaa ku dhintay isla goobta lagu dilay waxaana isla xalay la geeyay hoygiisa oo ay ku noolaayeen caruurtiisa oo la sheegay in mid ka mida uu la socday xiliga la dilayay Nabadoonkaasi.
Dilka Nabadoonka ayaa imaanaya xilli l;a hadal haayay dhawaanahan hanjabaad guud oo Odayaasha Hawiye ay kala kulmeen Kooxaha Islaamiyiinta oo wacad ku maray in ay beegsanayaan.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments