Koox Miino dhigaysay oo Xalay Muqdisho ku la’day.
Bartamaha(Muqdisho):-Koox dhalinyara ah oo Muqdisho Miino ku aasaysay ayaa la xaqiijiyay in ay la qaraxday iyadoo mid ka mida Cadadkiisa la helay goobta.
Xalay Fiidnimadii ayaa waxaa qarax Miino laga maqlay Xaafad ka mida Degmada Xamar Jajab gaar ahaan wadada marta agagaarka Iskuul Boliisiya Muqdisho.
Maydka nin ay Miinada la qaraxday ayaa saaka goobta lagu arkay ka dib markii uu ku gogo’ay qaraxa Miinada uu doonayay in uu wadada ku aaso.
Saraakiisha Dowlada ayaa waxa ay soo bandhigeen mid ka mida raga dhigayay Miinada oo qeybtiisa hoose ee jirka la helay wallow inta kale ay baaba’een.
Cadad fara badan oo aanay dadka awood u lahayn in ay eegtaan ayaa goobta lagu arkay wallow mid ka mida Cadadkaasi uu ahaa mid isku yaalay oo qeybta hoose oo kaliya la arki karay.
Goobta qaraxa Miinada ah uu ka dhacay ayaa waxaa sanadii hore dhammaadkeeda ay Miino kula qaraxday kooxo doonayay in ay aasaan Miinadaasi.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments