Koox Islaamiyiinta Somalia ka mida oo la tuhunsanyahay in ay afduubteen Markab ku xernaa Dakad ku taala Dalkaasi.
Bartamaha(Yaman):-Dowlada Yaman ayaa qirtay in Koox ka mida Kooxaha ka dagaalama dalka soomaaliya ay xoog ku furteen Markab ku xirnaa mid ka mida Dakadaha Dalkaasi.
Dowlada Yemen ayaa sheegtay in markab lagu magacaabo MV Azzaala oo laga leeyahayh dalkeeda watana calanka dalka Panama ay afduub u geysteen Koox loo maleeyay in ay Islaamiyiinta soomaaliya yihiin oo weerartay Dakad ku taala Dalkaasi.
Saraakiil magacyadooda qariyay oo u hadlay dalka Yemen ayaa sheegay in markii hore loo qaatay markabka inay afduubeen kooxo burcadbadeed ah, balse markii dambe la ogaaday inay afduubkaas ka dambeeyeen kooxaha ka dagaalama Somalia kuwaasi oo la dhaqaaqay markabka.
Saraakiishan ma sheegin Kooxada qaabka ay dakada ku soo galeen iyo halka ay markabka la aadeen balse waxa ay muujiyeen in ay ogyihiin in kooxdaasi ay ka mid yihiin Islaamiyiinta dagaalada ka wada gudaha Dalka Soomaaliya.
Xubnaha u hadlay dalka Yemen waxay sheegeen in markabka uu waday 4500-tone oo Gaaska dareera ah, uuna kusii jeeday dalka Imaaraadka Carabta inta aanu dakadsa ka dhaqaaqina ay kexeesteen Kooxdaasi oo wejiyiyada ay u xernaayeen.
ma jiro wax war ah oo laga haayo dhanka Islaamiyiinta Mucaaradka ah oo ku aaadan Markabka la sheegay in ay soo qafaasheen wallow halis badan ay abuurayso haddii warkaasi ka soo Baxay Yaman uu noqodo mid xaqiiq ah maadaama Gobolka laga afduubtay Markabka ay ka dagaan dadka Tahriibayaasha ah.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments