Calendar

Koox Burcad Badeed ah oo qarka u saaran in ay ku dagaalamaan Degmada Hobyo.

Bartamaha(Hobyo):-Wararka naga soo gaaraya Deegmada Hobyo ayaa sheegaya in Xiisad colaadeed ay ka taagantahay Degmadaasi ka dib is qabqabsi ka dhex bilowdayBurcad Badeed.

Degmada Hobyo oo ka mida Deegaanada Gobolka Mudug ayaa waxaa dhawaanahan isku hayay Koox Burcad Badeec dhaqaale ka qaadatay markab Shiinaha laga lahaa kaasi oo dhawaan ay sii daayeen .

Rasaas ayaa mararka qaar ay Burcad Badeeda isku furayaan Xeebta Hobyo halkaasi oo lagu hayo Lacagtii laga qaaday Markabka oo illaa haatan aan la qeybsan khilaafka ka taagan dhaqaalahaasi sidii loo qeybsan lahaa owgeed.

Xiisada ayaa waxa ay tahay mid xiligan ka oogan Degmada Hobyo iyadoo laga baqanayo in uu dhaco dagaal xoogan oo u dhexeeya Maleeshiyada Burcad Badeeda ka wada tirsan.

Wixii ku soo kordha isqabqabsiga iyo Cabsida dagaal ee Hobyo ka taagan www.Bartamaha.Com kala soco Insha allah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: