Calendar

Kobcinta geedi socodka Nabadda: Toronto oo lagu qabtay Kullan Ballaaran oo looga hadlayay Nabadda

crd canada
Toronto — Waxa magaaalada Toronto Qolka shirarka ee Huteelka Days Inn una dhow Masaajidka Daariq lagu qabtay  kulan ballaaran ay ka soo qaybgaleen xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaas deggani. Kullanka waxa lagu soo bandhigay daraasado iyo film ku saabsan dadaalada nabadaa ee dadka Somaliyeed ay ayagu ku qabsadaan gobalada, degmooyinka iyo degaanada ay ku nool yihihiin kadib burkii qaranka Somaliyeed 1991. Waxa darsadaha la soo bandhigay ka mid ah qoraal ku sabsan kuwo ka mid ah shirarki dib-uhehisiinta  loogu qabtay wadanka dibadiisa  iyo duruustii ama casharadii laga bartay. Kullanka waxa lagu furay aayado qur’aan ah iyo wacyi uu soo jeediyay Sheikh Mohamed Yususf – waxaa sidoo kale hadalo soo dhawayn ah ka jeediyay Saacid Dahir Siciid  oo ka mid ah qaban- qaban qaabiyayaashiii shrka.

pic 1-Daraasadahaas la soo bandhigay waxa sameeyay oo ka soo ururiyay gudaha dhulka Soomaalida Hay’ado wadani oo la kala yiraahdo, Xaruunta Horumarka iyo Cilmi baarist Puntland (PDRC), Somaliland Akadamiga Nabbadda iyo Horumarka (APD) iyo Xaruunta Cilmibaarista iyo Wada-tashiga Soomaaliyeed (CRD). Waxa hoowshaa kala qayb-galay  kana cawiyay Hay’aadda Caalamiga ah ee lagu magacaabo Interpeace iyo aqoonyahanno kale.

Daraasadahan waxaa ay si qoto dheer uga hadlayaan howlaha Nabadeynta ee dalka gudihiisa ka jira iyo da’daaladda umadda Soomaaliiyeed ay qabsadeen – iyada oo ayan cidna gacan ku siinin.  Inta bandan waxaa baaritaano aqooneed lagu sameeyey colaada Soomaaliya ka jirta- tani waa markii ugu horeeysay oo Cilmibaaris lagu sameyey nabaddaynta Soomaalidu samaysatay  iyo casharadda laga baran  karo. In ka badan 130 dib u heshisiineed ayaa ka dhacay dhulka Soomaalidu degto labaatankii sano ee la soo dhaafay  kuwasoo intooda badan lagu liibanay keenayna nabad waarta.

Pic 5Waxa kale oo halkaas lagu soo bandhigay daraasad kale oo ku saabsan arrimaha geed-socod nabadda Soomaaliyeed ay iska kaashadeen Haydaha Conciliation Resouurce of Saldhiggedu Yahay UK iyo Xafiis Gobaleedka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee Interpeace-Nairobi. Daraasadan oo ah tii 21aad waxa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha Soomaalida iyo guud ahaan hormarka dhinaca siyaasadda iyo dawlad dhiska. Waxa in ka badan 30 qoraal  (articles) oo ku jira daraasadan ay faahfaahin ka bixinayaan arrimo xiiso leh kuna saabsan danaha, dadaalka colaad la dirirka iyo waxqabadka geesinimada ku qotoma ee dadka Somaliyeed qabsadeen waxaa kale oo ay talo bixin buuxda siinaysaa beesha caalamka in ay ka bartaan casharo hadii ay doonayaan in si wanaagsan loogu adeego Nabaddaynta Soomaaliya.

Pic 6Daraasadahan waxa si kooban uga hadlay Cabdirahman Cusmaan Raage oo sarkaal sare ka ah barnamijyada Interpeace ee xafiiska Bariga iyo Bartamaha Afrika, Abdirahman waxaa uu si faahfaahsan uga hadlay howlaha nabadaynta ee ka jira Dhulka  Soomaalidu degto. “ waxa kaliya oo dadku ay diiradda saaraan waa colaada iyo qilaafaadka ka dhex jira, laakiin waxaa jira da’daalo nabeed Soomaalidu ka wado  gudaha dalka guulo badana laga gaaray, waa lama huraan in la soo bandigo wanaaga Socda” ayuu yiri Cabdirahman Cusmaan Raage.

Jabril Ibrahim Cabdulle oo ah Agaasimaha Xaruunta Cilmi Baarista iyo Wada-tashiga Soomaaliyeed oo isna faahfaahin ka bixiyay natiijooyinka ka soo baxay cilmibaarista ayaa sheegay in lama huraan tahay in caalamku barto nabadaynta gudaha Soomaaliya ka socoto.  “ Soomaalidu waxaa ay awood u leeyihiin in ay nabad ku soo dabaalaan  noloshooda hadii ay helaan fursad ay u madax baanan yihiin, sidaas ayaana ay suur gal ku noqotay in nabadaynta guduha ka jirtaa ay ku dhamato guul halka tan dibadda lagu qabtaana ayan keenen nabadii laga rabay” ayuu yiri jabril.

Pic 3-Waxa kale shirka si weyn looga hadlay xaalada guud dalka Soomaliyeed manta maraayo marka laga eego nabad, dawladnimo iyo calaadba. Sidoo kale waxa la soo qaaday baahida loo qabo in Jaaliyadda Toronto la xoojiyo iskaashigeeda iyo wadajir u halganka danahooda kawada dhexeeya ee ee  Canada.  Waxa Shirka hadalo waano iyo tariikhba ah kasoo jeediyay ugu dambeyn odayaal, aqoonyahanno, madax dhaqameed iyo haween Somaliyeed oo magic ku leh dhinaca waxbarashad, dhaqaanka iyo arrimaha haweenka.

Dood qiimo leh iyo suaalo waxtar leh ayaa halkaas laga soo jeediyay, waxaana ugu dambeeyn lays faray in la joogo xilligii Soomaalidu ka bixi laheyd colaaddihii rogmanaayay ayna soo baxi lahaayeen hoggaamiyayaal cusub iyo aragti wadani ah oo qaranimo laysla ogol yahay loogu gudbi karo.

Waxa fursad la siiyaya inay ka hadasho Kulanka Khadiija MaxamedAli oo u tartarmaysa  xildhibaan degaan “City Council Candidate”. Kadiija oo labaatan sano in ka badan Canada joogtay waxay ka soo qayb qaadatay arrimah degaank, kuwa gobalka iyo guud ahaan wadankaba. Waxay ballan qaaday haddii la doorto in ay intii tabarteeda ah ay ku dadaali doonto inay ayaga wax u qabato. Waxay ku boorisay ka soo qayb-galayaasha kulanka in jaaliyadda Soomaalida ku dhiirigeliyaan in ay doorashada codadakooda ka dhiibtaan. Dhulkan codbixinta ayay ku jirtaa qiimaha aad ku leedahy dalkan.

13Waxa ammaan iyo mahad celin qiimo leh looga soo jeediyay halkaas  qaban-qabiyayaashii kulankan balaaran ee Toronto oo daba socda shirkii bulshada rayidka ah iyo qurba joogta ee lagu qabtay Mombasa, Kenya 7-11 December 2009. Waxa shirkaas ka soo baxay 12 qoddob oo looga magac daray MABAADIIDA NABADDA ama “Principles of Peace”. Isla kulanka ayaa lagu qaybiyay qoddobada shirka Mombasa ka soo baxay. Waxa irridda hore ee qolweynaha kulanku ka dhacaayay lagu soo bandhigay bug tiro badan oo dad  Soomaliyeed qoreen oo nooc walba leh. Maxamed Shiekh Hassan oo soo bandhigay buugtaa aya sheegay in dhibta ku dhacday Soomaalida uu suura galiyay in ay soo baxaan qoraalo iyo qoroyaal Soomali ah waxaana ay astaan u tahay in waa cusub u dhashay umadda Soomaaliyeed.

Ugu danbeeytii waxaa la isla gartay in dhibku ku raagay Soomaalida – ay muuqato astaantii ama ifafaalihii  looga bixi lahaa – lama huraana ay tahay in dadka Soomaaliyeed  iskaalmaysto isna soo dhaweeyo.  Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa sheegay in  muuqalada colaadeed ee ka  jiraa qayb ka mid ah  dhulka Soomaalidu degto ay  yihiin wax aan saa u sii jirin doonin ama “temporary” – lagana gudbi colaada jirtaa.

Pic 2
8
Pic 4

_____

Comments

comments

Category : Canada [Diaspora], The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: