Kismaayo oo looga Dabaaldegayo Farxadda Ciida
Kumanaan dad ah oo ay ka muuqato farxad iyo reyn islamarkaasina isku salaamayay salaamo ay kamid yihiin ciid Mubaarak ayaa maanta isugu soo baxay fagaaraha weeyn ee isbartiimo feekiyo ee bartamaha magaalada Kismaayo si ay halkaasi ugu tukadaan salaadda ciida.
Goobtaasi ayaa waxaa qudbado kala duwan kazoo jeediyay masuuliyiin katirsan maamulka islaamiga ah ee degmada kismaayo, Sheekh xasan yacquub cali waaliga degmada kismaayo oo isagu halkasi ka hadlayay ayaa u hambalyeeyay dadweeynaha reer kismaayo, isagoona ka codsaday in ay Allah uga mahadceliyaan Amniga iyo kala dabeynta uu siiyay.
Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay masuuliyiin sar sare oo katirsan maamulka islaamiga ah ee degmada kismaayo kuwaa oo siyaabo kala duwan uga hadlay munaasabadda faraxadda ciida.
Gudaha magaalada ayaa laga dareemayaa soo dhaweynta ciida, waxaana ay indhahaagu qabanayaan caruur, haween iyo dhalinyaro aad u labisan oo raxan raxan u socda wadooyinka waaweyn ee magaalada kismaayo, waxaa sidoo kale manta siweyn u shaqeynaya maqaayadaha laga cunteeyo, iyo kuwa shaaha lagu iibiyo.
Ma ahan oo keliya magaalada Kismaayo meelaha looga dabaaldegayo munaasabadda ciida, haseyeesha dabaaldegyo ceynkan oo kale ah ayaa waxa ay ka jiraan dhamaanba degmooyinka iyo deegaanada gobollada jubooyinka, sida Degmada Jamaame, Afmadow iyo Degmada Bu’aale.
Xafiiska Wararka ee bartamaha
Kismayo-Somalia
Comments
comments