Calendar

Khudbaddi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya: Xuska 50-Guuradii Dhalashada Jamhuuriyadda Soomaaliya ee 1-da Luuliyo

Bismillaahi Raxmaani Raxiim,

Asalaamu Calaykum:

Mudanyaal, Marwooyin / Walaalayaal

sheikh-sharif-sheikh-ahmed3Waa Ilaahay mahadiis in aan marlabaad, asbuuc gudihiisa, u dabbaal-degeyno 50-guuradii xorriyadda dalkeena hooyo ee Soomaaliya, gaar ahaan gobolada Koonfureed oo gumeysiga ka xoroobey -1-dii Luuliyo 1960, maantana la joogo kontan guuradii maalintii gobanimada iyo weliba midowga labada gobol ee Waqooyi iyo Koofur – kuwaas oo ku midoobey Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo callanka cirka u eg – ee astaanka u ah Qaranka iyo qofka Soomaaliga ah.

Dhalashada Jamhuuriyadda Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan maalinta midnimada ee 1-da Luuliyo, waa maalin dhammaanteen inaga mudan in aan mar kasta xusno, oo aan xasuusanno in ay tahay maalmaha lama illoobaanka ah ee taariikhda  Ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa iyaduna ah wax lagu farxo laguna faano in Soomaalida qurbaha ku nool ay safka horre kaga jiraan xuska iyo xusuusashada halgankii loo soo galay xornimada iyo qiimaynta maalmaha qaranka oo ay ugu weyn tahay maalintii ay midoobeen 2da gobol ee woqooyi iyo kuunfur, taas oo sii adkaynaysa dareenkeenna wadaninimo, ilaalinta jiritaankeenna iyo dib u soo nooleynta  sharafteenii Qaranimo.

Khudbadaydii 26-ka Juun, ayaan ku sheegey dadaalkii lagu bixiyey hanashada xorriyadda iyo wixii naf iyo maalba loo soo hurey iyo weliba xaaladda adag ee ay dalkeenna iyo dadkeennuba ku jiraan maanta.

Isla khudbadaas 26-ka Juun, waxaan ku dheeraaday in aan mar-labaad dib isku xasuusinno, mawaaqifktii sharafta lahayd ee ay ka istaageen halgamayaashii dhidibada u aasay dhalashada Jamhuuriyadda Soomaaliya, ha noqdaan geesiyaashii SYL iyo SNL oo siyaasiyiin iyo shacabba isugu jirey, ha noqdeen haween iyo rag badan oo ka horreeyey, sida Xaawo Taako ama abwaannadii astaanta u ahaa qaranka sida Alle ha u naxariistee Abwaan Cabdullaahi Suldaan Timcadde.

Dhanka kale, markaan eegno barnaamijyadii maanta la soo bandhigay gaar ahaan kaalinta ay munaasabaddaan ka qaateen Ciidamda Qalabka-sida haweenka iyo fanaaniinta Soomaaliyeed, waxaa hubaal ah, in kasta oo ay Soomaaliya kuftay, haddana ay kacday, waayo, waxaa hubaal ah in ay joogaan isla markaana ay hawl-gal ku jiraan halganna diyaar u yihiin, waddaniyiin leh qiradii, dadnimaddii iyo daacadnimadii geesiyaashii xorriyadda iyo midnimada dhaliyey.

Xaaladda Maanta dalku ku sugan yahay

Mudanyaal, Marwooyin / Walaalayaal

Masuuliyadda ugu weyn ee ah dhisidda iyo dhowridda Qaranka Soomaaliyeed waxa ay saaran tahay hay’adaha Qaranka ee waqtigaas jira, kuwaas oo xilligan wata magaca dowladda Faderaalka ku meel-gaarka ah.

Haddaba, In kastoo aysan u fududayn xukuumaadda FKM ka soo kabashada iyo dib-u-soo noolaynta wixii burburay 20-kii sano ee la soo dhaafay, haddana ahmiyadda koowaad waxaan siinay dhismaha ciidan qaran oo amniga suga. Sidoo kale waxaan xoog saaraynaa dib udiska iyo xoojinta hay’adaha kale ee  hawlahooda hakadku uu galay ilaa sannadkii 1991-dii.

Haddaba si aan qayrkeen uga daba tagno, ugana soo kabanno burburka aan isu-geysannay dal iyo dadba, waxaa waajib inagu ah in aan la nimaadno midnimo, hufnaan, daacadnimo, xalaal-miirasho, hor-marinta danta guud, dareen-masuuliyad iyo dadaal ka badan midka ay ku jiraan ummadaha aysan wax weyn ka halaysnayn.

Mudanyaal, Marwooyin / Walaalayaal:

Anigoo ka faa’iideysanaya dareenka diimeed iyo waddaniyadeed ee ummadda Soomaaliyeed ee sharafta leh, iyo in ay na saaran tahay mas’uuliyadda munaasabadaan, marna taariikhiga ah marna ceebta nagu ah  (waayo asaageen ayaan ka harnay), ayaan waxaan soo jeedinayaa in aan toban sanno ku saxno, kuna toosinno wixii 20-ka sano naga qaldamay, sidaas darteed waxaan ku baaqayaa, aanna si dhab ah idiinka codsanayaa in sannadka 2020 (waa toban sano gudahoode), uu noqdo sanadkii ay Soomaaliya  ka daba tagi lahayd  waddamo badan oo asaageeda ah kuwa kalana ay dhaafi lahayd.

Waxaan hubaa haddii aan midowno, danta guudna u soo wada jeensanno, dadaalkana aan laban-laabno in aan toban sano ku sixi karno wixii naga xumaaday 20-kii sano ee la soo dhaafay, kuna gaari karno wixii na dhaafay amaba naga tagay. Waayo Soomaalidu waa dad fir-fircoon, dadaal badan haddii hal meel loo wada socdo wax kasta waa suurto gal.

Qarannimadan konton jirsatay dadkii na guddoonsiiyay,  intoodii badnayd maanta god ayay ka hooseeyaan, wayna u soo dhibtoodeen, dhiig badan ayey u daadiyeen, dhib badanna waa laga soo maray, sidaasi darteeda waxaa munaasab nagu ah, rag iyo dumar, yar iyo wayn, in aan u dhaqanno sidii SYL iyo SNL, in aan qabyaaladda tuurno sidii ay u tureen. In aan diidno danaysiga raqiiska ah sidii ay u diideen, in aan ka fogaanno u shaqaynta shisheeye sidii ay uga fogaadeen, isla markaana fahano oo aan dhadhansanno macnaha iyo macaanka Soomaalinimada, macanaha iyo macaanka walaalnimada ummadda Soomaaliyeed iyo macana iyo macaanka qaranimada iyo midnimada.

Waxaan hubaa in ay maanta joogaan  magaala kasta oo Soomaaliya ku taalo Soomaali SYL iyo SNL ka aqoon badan, ka xoolo badan, ka tira badan, ha noqoto, Gaalkacyo, Baladweyne Hargeysa, Garoowe, Kismaayo, Baydhabo, Boorame, Burco, iyo dhammaan magaalooyinka, degmooyinka iyo tuulooyinka Soomaaliya iyo weliba dalalka adduunka oo ay aqoon yahankeennii ku firirsan yihiin.

Waxaa inoo ballan ah, sanadka 2020, in aan xaflad u eg middii Cabdullaahi Suldaan Timacadde uu ka gabyey, in aan ku dhiganno xaruntii baarlamaanka ee calankii ugu horreeyey ee Qaran Soomaali ah oo mid ah laga taagay. Si wadar ah aan uga wada shaqeyno i aan Soomaaliya gaarsiino 2020, meeshii ay mudnayd – taasina waxaa lagu gaari karaa in uu qof kastaa ka qaato kaalintiisa.

Haddii aan taas u wada jeensanno, toban sannno gudaheed, ma jiri doono barakac, qoxootinimo, burcad badeed, iyo argagixiso Soomaaliyeed iyo ajaanid dalkeenna ugxan dhigata.

Haddii aan dalkeenna daaweyno tobanka sano ee soo socoto, konton sanno kaddib, ubadkeena ayaa guran doono mirihii aan beernay, way noo soo ducayn doonaan, taariikhda ayey nagu xusi doonaan, wayna naguna faani doonaan sida aan maanta ugu faanayno geesiyaashii SYL iyo geesiyaashii kale ee dhaliyey xorriyadda Koonfur ama Waqooyi..

Gunaanad iyo Mahadnaq

Mudanyaal, Marwooyin / Walaalayaal:

Daruufaha adag ee dalku uu ku jiro maanta, marna nagama reebayaan xusidda 1-da Luuliyo, gaar ahaan 50-guurada dhalashada Jamhuuriyadda iyo midnimada Soomaaliyeed, waayo halganka aan maanta ku jirno mid noociisa ah ayaa lagu hantay gobanimada — 50 sano kaddibna, halgan ayaa dhibka looga bixi karaa.

Gunaanadkii, waxaan jeclahay in dowladdani ay noqoto dowladdii ugu danbeyey ku-meel-gaarnimo, waxaanna jecel nahay in loo gudbo dowlad rasmi ah oo dadku ay doortaan. Waxyaabaha taas lagu gaari karo waxaa ka mid ah, in aan degsanno Dastuur kaas oo si buuxda u tilmaamaya qaabka uu noqonayo hab-maamuka dalkeennu.

Tusaale ahaa: ma waxaan rabnaa maamul federal ah mise dal hal meel laga maamulo? Ma waxaan doonaynaa qabaa’il in aan ahaanno oo wax ku qaybsanno 4. 5, mise waxaan doonaynaa in aan noqonno axzaab tartan gasha oo lagu doorto afkaar iyo mabaad’ii? Ma waxaan rabnaa in aan haysanno dastuurkii 1960-kii mise waxbaan ku kordhinaynaa ama ka dhimaynaa?

Dhammaan arimahaas waa arrimaha ay tahay in aan ka tashanno, kaddibna ku qoranno dastuurkeenna, kaddibna aan wada ogolaanno, kuna dhaqanno.

Waqtiggaan waxaa jira guddi Qaran oo madax bannaan oo ka kooban soddon xubnood. Guddigaas 15 ka mid ah waxaa horay u magacaabay dowladdii naga horreysey, 15 xubnoodna dowladdaan ayaa ku dartay – kuwaas oo isugu jira Somali dalka oo dhan ka kala timid, lehna khibrado iyo aqoon kala duwan.

Guddigaasi in muddo ah ayuu ku hawlanaa soo diyaarinta nuqul qabyo ah oo Dastuur ah — kaas oo loo baahan yahay in uu nuskho ka helo qof kasta oo Soomaali ah – ha joogo dal ama dibad — kaddibna laga doodo oo la isku af-garto, kaddibna la geliyo afdi-dadweyne.

Waxaan u soo jeedinayaa Guddiga Dastuurka Qaranka in ay dar-dar geliyaan gaarsiinta nuqulka dastuurka dadka oo dhan – waxaan si gaar ah ugu baaqayaa shacabka, maamulada gobolada, hay’adaha dowladda FKMG ah, siyaasiyiinta, aqoon-yahanka, qaybaha bulshada rayidka ah iyo Soomaalida qurbahaba in ay dastuurka daraaseeyaan, ayna wixii ka dhimman ku daraan, ka reebaan wixii ku dheeri ah, isla markaana ay Soomaali isla hesho axdi-qarameed, ama dastuur rasmi ah, oo noo dhex ah, aan samaysannay, isla markaana isku-keen haya, nalana kala haga.

Dhanka kale, waxaan jeclahay in aan u mahadnaqo bulshada caalamka ee gacanta naga siinaysa, dib-u- soo-celinta qaranimo Soomaaliyeed oo  sharaf leh, gaar ahaan Wadamada Jaamacadda Carabta, waddamada Midowga Africa, Uruka Wadamada Muslimiinta, waddanka Maraykanka, waddmada midowga Yurub iyo gaar ahaan  waddamada Uganda iyo Brundi, kuwaas oo siyaabo kala duwan gacan nooga siiyey haddana nooga siiya himilooyinka Qaran ee aan hiigsanayno.

Waxaan ku faraxsanahay soona dhaweynayaa is-fahanka iyo wadashaqaynta DFKM iyo masuuliyiinta Puntland, kaas oo maray meel wanaagsan anigoo ku kasloon intaa laga sii kor-dhin karo,

Dhanka kale, Somaliland waxaan ugu hambalyaynayaa doorashada, waxaan ugu baaqayaa in ay nabadda adkeeyaan, guud ahaanna DFKM, Puntland iyo Somaliland la iska kaashado kooxaha dowlad diidka ah ee ajaanibta u shaqeeya.

Waxaan Ilaahay ku baryayaa magacyadiisa wanaagsan iyo sifooyinkiisa sarreeya in uu gobolada iyo degaanada Soomaaliya ee nabadda ah u sii siyaadiyo nabadooda, kuwa amni daradu ay ka jirtana uu amni iyo is-tiqraar u soo dadejiyo isla markaana uu na waafajiyo wax kasta oo wanaag ah oo aan ku taamayno, uuna na dhinac mariyo dhaibaato kasta oo aan ka baqayno nooc kasto  ay tahay.

Soomaaliya ha noolaato, ha israacdo horumarna ha gaarto.

Wasalaamu calaykum warraxmatullaahi wabarkaatuhu

Shariif Sheekh Axmed

Madaxweynaha Soomaaliya

1-da July, 2010

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: