Khilaaf Xoogan oo soo kala dhexgalay Xizbul Islaam Hiiraan.
Bartamaha(Balad-Weyne):-Saraakiisha Ururka Xizbul Islaam Gobolka Hiiraan ayaa waxaa soo kala dhexgalay Khilaaf xoogan oo xagga Maamulka ah.
Saraakiisha Xizbul Islaam Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay isku khilaafeen gudoonkii shalay loo dhisay Gobolkaasi oo qaar ka mida saraakiisha ay ka biya diideen.
Sheekh Cabdi Cismaan “Qoorey†oo ka tirsan Saraakiisha sare ee Xizbul Islaam Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu sheegay in aanu marnaba aqoonsanayn Maamulka islamarkaana ay dagaal ka xigaan Maamulkaasi la dhisay.
Sheekh Qoorey ayaa waxa sheegay in Xizbul Islaam aanay qabiil ahayn balse shalay waxa laga dhisay Balad-Weyne uu ahaa qabiil la raali galinayay.
Saraakiisha kale Ee Xizbul Islaam ayaa waxa ay yihiin kuwa muujiyay sida ay ugu qanacsanyihiin Maamulka shalay loo dhisay Gobolka Hiiraan.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments