Khilaaf soo kala dhexgalay Ciidamada Ahlu sunnah iyo kuwa Dowlada Degmada Doolow.
Bartamaha(Doolow):-Ciidamada Dowlada iyo kuwa Ahlu sunnah ee ku wada sugan Degmada Doolow ayaa isku dhacay iyadoo laga baqanayo in dagaal uu dhexmaro.
Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhexgalay Ciidanka Ahlu sunnah iyo Kuwa Dowlada markii Xalay askarta Dowlada ay dileen Wiil dhalinyara ah oo la sheegay in uu ahaa dadka deegaanka.
Wiilka ay dileen Ciidanka Dowlada ayaa la sheegay in uu ahaa Mu’adin masjid ku yaala Doolow iyagoo ku sheegay in ay ka shakiyeen wiilka ay dileen taasi oo ka caraysiisay ahlu sunnah.
Dilka wiilkaasi ayaa sabab ka dhigtay in asrasaasayn ay dhexmartay askarta labada Koox wallow saraakiil ay ku bexeen daminta Colaada ka dhexbilaabatay Ahlu sunnah iyo Dowlada Ciidamadooda Gedo.
Labada Ciidan ayaa waxa ay haatan yihiin kuwa isku haya sababaha dilalka dadka rayidka ah ayaskarta Dowlada caadada uga dhigteen taasi oo sabab u noqon karto in labada Koox ay ku dagaalamaan.
Askarta Dowlada ayaa waxa ay horay u dileen dad rayid ah oo ay ku sheegeen in ay la shgaqeeyaan shabaabka Gobolka Gedo gacanta ku haya oo ay ka baqanayaan Ciidamadaasi.
Degmada Dooloow ee gobolka Gedo ayaa waxa ay tahay Degmada kaliya ay gacanta ku hayaan Dowlada iyo Ahlu sunnah waxaana inta badan la dilaa qofkii la garan waayo si aanay cidi u dhaxgalin saraakiisha iyo Ciidamada dagan Deegaankaasi.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments