Calendar

Khilaaf ba’an oo soo kala dhexgalay Saraakiisha Ahlu sunnah iyo Dowlada Ee Gobolka Hiiraan.

ahlu sunaah Bartamaha(Baladweyne):-Khilaaf ba’an ayaa soo kala dhexgalay Saraakiisha Ciidamada Ahlu sunnah iyo Dowlada Ee Gobolka Hiiraan markii shalay la xeray Xildhibaano iyo Saraakiil Ciidamada Dowlada.

Khilaafka ayaa waxa uu yahay mid aad u daran kaasi oo fashiliyay howlgalkii ay ku doonayeen in ay ku qabsadaan maagaalada Baladweyne Ee Gobolka Hiiraan iyadoo haatan ay kala tageen Ciidamadaasi labda koox.

Wararka naga soo gaaraya Duleedka Baladweyne ayaa sheegaya in Cidiamad Ahlu sunnah oo kaliya ay ku soo hareen Deegaanka Ceel Gaal iyO Garoonka Diyaaradaha ka dib markii Ciidamada Dowlada ay ka caroodeen Xariga Xildhibaan Gaagaale iyo Xildhibaan C.Laahi Nuur oo shalay Caabdud-Waaq lagu qabtay.

Xaalada ayaa waxa ay tahay mid cakiran iyadoo laga yaabo in dagaal uu dhexmaro Ciidamada Labada Dhinac ama ay gabi ahaanba kala tagan oo Khilaafka uu sii bato maadaama uu ka dhashay Xarig iyo ishortaag lagu sameeyay Xildhibaano Dowlada ka tirsan.

Maamulka Ahlu sunnah ayaa wax a ay sheegeen in ayshir la leeyihiin Laba Xildhibaan oo qeyb ka ahayd Dagaalada Baladweyne kuwaasi oo haatan Caabud-Waaq ay ku haystaan Kooxda Ahlu sunnah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: