Calendar

Khasaare ballaaran oo ka dhashay dab ka kacay goobo shidaalka lagu iibiyo oo ku yaal magaalada Muqdisho

imagesInta la ogyahay laba qof ayaa ku dhintay tiro ka badan toban qof oo kalena way ku dhaawacmeen dab ka kacay goob shidaalka lagu kaydiyo oo ku taalla agagaarka dhismaha Say-biyaano ee degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Dabkan oo aan la ogeyn wixii sababay ayaa wuxuu burbur xooggan u geystay garaashyo lagu kaydiyo shidaalka iyo dhismayaal isugu jiray kuwo ganacsi iyo kuwo deegaan ah oo ku dhawaa goobta uu dabku qabsaday.

Shacabkii ku noolaa guryaha ku dhow goobta uu dabku ka kacay ayaa bilaalay inay isaga cararaan guryahooda, iyagoo ka baqdin qaba inuu dabku soo gaaro, maadaama guryo ku dhowr halkaas ay gubteen.

Dukaamada ganacsiga iyo bakhaarro ku dhow isla goobtaas ayaa waxaa laga daad-gureynayaa alaabooyinkii yaallay, iyadoo dabkuna uu ahaa mid si aad ah u fidiyay, inkastoo hadda la hakiyay.

Ciidammo fara badan oo kuwa dowladda ah ayaa ku sugan goobta kuwaasoo ka ilaalinaya dadku inay galaan halkaas, waxaa sidoo kale ku sugan ciidamo dabka la dagaalama, kuwaasoo ku howlan inay dabkaas damiyaan.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: