Calendar

Kenya:DFKMG ah iyo Maamulka Puntland oo markale heshiis wada saxiixday

mo1

Bartamaha (Nairobi):- Waxaa Maanta markale Heshiis wada gaaray Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed & Dawlada Kumeel gaarka ah,waxaana Heshiiskan lagu tilmaamay mid isfagard.

Heshiiskan ay Maamulka Puntland iyo Dowladda KMG ay kala saxiixdeen waxa goob joob ka ahaa Bulshada Caalamka, Dublumaasiyiin iyo dowladdaha daneeya arrimaha Soomaaliya.

Heshiiskan oo ka koobnaa 5-Qodob ayaa intiisa badan waxaa uu taabanayey Xoojinta Heshiis Sanadkii hore ay Wada gaareen Labada dhinac oo aanan ilaa & hada Dhaqan gelin,waxaana Heshiiskan Qodabadiisa ugu badani taabanayaan Ladagaalanka Bucad Badeeda & in Puntland ay noqoto Hoyga ladagaalanka Burcada ka qowleysta Xeebaha Dalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Qodobadii lagu heshiiyay waxaa ka mid ah.

1- In la xoojiyo sharciga iyo kala dambaynta bad iyo berigaba.

2- In dib loo dhiso lana habeeyo ciidanka aminiga ee dalka. ( ciidamada badda ee la dagaalama burcad badeeda, saldhigna looga dhiga Puntland).

3- In shaqo loo abuuro dadka shaqola’aantu hayso (gaar ahaan dadka xeebaha ku teedsan).

4- In laga sifeeyo xeebaha dalka wasakhda (gaar ahaan xeebaha Puntland.

5- In wacyi gelin loo sameeyo shacabka si loo soo afjaro burcad badeeda iyo arimaha la xiriir

Heshiiskan ayaa labada dhinac  Si wada jir ah u saxiixeen Wasiirka Arimaha Gudaha Dowladaha Hoose & Hor’umarinta Reer Miyiga ee Dawlada Puntland Jen,Cabdullaahi Axmed Jaamac & Wasiirka Gaashaandhiga ee DFKMG ah Cabdalle Boss,sidoo kalena waxaa Heshiiskan Madashii lagu saxiixay Goob joog ka ahaa Madaxweynaha Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Dr,Cabdiraxmaan Sh,Maxamed Maxamuud & Ra’iisul Wasaare Xigeenka Soomaaliya isla markaasna Wasiirka Maaliyada DFKMG ah Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Hotelka Safari Park ee Nairobi oo ah halkii uu Heshiiskani ka dhacay ayaa Waxaa Goob joog ka ahaa Madax fabadan oo u Badnaa Safiiro ay kamid yihiin Safiirada Wadamada Italy,Spain,Franch,Wakiilka Jaamacada Carabta ee Soomaaliya & Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Umuuraha Wadanka Soomaaliya.

Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman

[email protected]

Xafiiska Bartamaha ee Nairobi.

Sawiro Dheeraad ah halkan ka daawo.

DSC02203


DSC02154


DSC02225

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: