Kenya: Weerar burcad ay ku qaaday xarunta Westgate ee laga dukaamaysto
Rag hubeysan ayaa goor dhow weeraray Suuq Ganacsi oo ku yaala xaafada Westland ee magaalada Nairobi, gaar ahaan suuq ganacsi caanka ah ee Westgate Mall.
Wararka ayaa sheegaya in la maqlay qaraxyo bambaano, iyadoo gawaari banaanka hore ee xaruntaas taalay uu bur bur soo gaaray.
Rasaas ayaa laga maqlayay gudaha xarunta ganacsiga oo ay gudaha ugu jiraan ragga hubeysan, iyadoo ilaa hada la sheegay in labo qof ku dhaawacnay.
Booliska oo goobta si deg deg ah ku gaaray ayaa uga digay dadweynaha inay ka ag dhowaadaan goobta oo la rumeysan yahay in kooxo hubeysan gudaha ugu jiraan.
Taliyaha Booliska magaalada Nairobi Benson Kibue ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in kooxo hubeysan ay isku dayayaan inay dhacaan suuqa ganacsiga, iyagoo rasaas furay.
Ciidamada booliska ayaa ku hareereysan dhismaha suuqa ganacsi ku yaala Xaafada Westland, iyadoo gawaarida booliska ay soo gaareen.
Comments
comments