Calendar

Kenya Waxay Qoxootiga Soomaalida Ku Soo Dhoweysaa Jirdil, Kufsi iyo Xarig (HRW Warbixin)

kenya police 2

Nairobi — Warbixin ay soo saartay hay’ada xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku eedeyeysay booliska Kenya inay qoxootiga Soomaalida ee ka soo cararaya Soomaaliya ku soo dhoweeyaan jirdil, xarig, kufsi iyo lacago baad ah oo laga qaado.

Warbixinta ayaa sheegtay in booliska Kenya ay shaqo ka dhigteen inay dadka Soomaalida qabtaan oo ay xiraan, qaarkoodna ay ka qaataan lacago baad ah halka dumarkana ay kufsadaan.

Warbixinta ayaa sheegtay in ololahan ka dhanka ah Soomaalida ee ay wadaan booliska Kenya ay gadaal ka riixayaan masuuliyiin sare oo ka tirsan dowlada Kenya kuwaasi oo ay ka buuxsantay ‘neceybka Soomaalida’ ay u hayaan.

Gery Simpson oo ah sarkaalka Human Rights Watch u qaabilsan dhinaca baaritaanada xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in warbixintan ay la xiriirto wareysiyo lala yeeshay illaa 100 ruux oo ka mid ah qoxootiga kuwaasi oo ay kujiraan haween la kufsaday.

Mid ka mid ah haweenkii la wareystay ayaa sheegtay in saddex nin oo booliska Kenya ah ay kufsadaan iyadoo heysata ilme 12 maalmood kaliya jira.

Waxay tiri “Nin ka mid ah askarta ayaa haraati (laad) iiga dhuftay dhinaca midig markaas ayaan dhulka ku dhacay waxaa igu garab dhacday gabadhi yareyd oo 12 habeen jirta. Waxaana i kufsaday saddexda nin”.

Qaar kale oo dadka la wareystay ka mid ah ayaa sheegay in ay qabteen booliska Kenya ayna  dileen illaa ay ka heleen lacago laaluush ah oo ay isku furteen.

Sida warbixintu sheegtay waxaa sidoo kale dhibaatooyinkaan la kulma Soomaalida sheegata inay Kenya ku dhasheen kuwaasi oo si qasab ah looga qaado waraaqaha aqoonsiga ka dibna lacag loo weydiiyo.

Booliska Kenya ayaa sidoo kale si naxaris darro ah ula dhaqma dadka ay qabtaan iyagoo garaaca kana qaata lacag baad ah, halka dadka qaarkoodna la garaaco oo si xun loo dilo.

Warbixinta Human Rights Watch ayaa shaacisay in dhibaatadan ay tahay natiijada ka dhalatay xirnaanshaha xadka Kenya ee mudada saddexda sano ah.

Saraakiil ka tirsan xukuumada Kenya ayaa sheegay inay baarayaan waxa ka jura eedeynta ay soo jeedisay Human Rights Watch, waxayna sheegeen inay sharciga hor keeni doonaan askarta lagu helo eedeymahan.

Kenya oo deris la ah Soomaaliya waxaa ku nool qoxootiga ugu badan ee Soomaaliyeed ka dib markii dagaalo sokeeye ay ka dheceen dalka dad badan oo Soomaaliyeedna ku kalofay inay xuduudaha talaabaan.

Dadka ugu badan ee gaara xeryaha qoxootiga Kenya ayaa ah haweenka iyo caruurta oo ah kuwa u nugul tacadiyada arxan darrada ee ay booliska manaxayaasha ahi ku kacaan.

Dalka Soomaaliya kama jirin nidaam dowladeed oo shaqeeya 20 sano ku dhowaad, dowlada ku meel gaarka ee tabarta yarina kuma dhiiran inay xitaa hadal ka geysato falalka gumaadka iyo naxariis la’aanta ee shacabka ay sheegato loogu geysanayo Kenya.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : KENYA, Wararka Maanta.
« »

Comment: