Calendar

Kenya “Shabaab lug kuma lahan qaraxii iyo dilkii dhacay Jimcihii…”.

police (1)Bartamaha (Nairobi):- Booliiska Wadanka Kenya ayaa baaritaano ay sacadihii u danbeeyay wadeen waxa ay shaaciyeen in Soomaalida iyo Kooxda Shabaab aanay wax lug ah ku lahayn qarax iyo dil ka dhacay Nairobi.

Sargaal Booliiska Kenya u hadlay ayaa saxaafada u sheegay in baaritaan ay sameeyeen Laamaha ammaanka lagu ogaaday in Soomaalida ay ka madax banaantahay qaraxii ka dhacay Islii iyo dil gudaha Nairobi ka dhacay.

Sargaal Booliis ah ayaa waxa uu sheegay in qaraxa ay fuliyeen Koox tuuga ah oo qaarkood la aqoonsaday islamarkaana dhawaan Maxkamad la soo taagi doono markii gacanta lagu soo dhigo Kooxdaasi.

“Shabaab lug kuma lahan qaraxii iyo dilkii dhacay Jimcihii…Baaritaan Booliiska sameeyay waxaan ku ogaanay in aanu wax lug ah ku lahayn qaraxii Islii iyo dilkii ka dhacay Kasarabni…” ayuu yiri sargaal Booliiska u hadlay.

Hadalka Booliiska ka soo baxay ayaa imaanaya xilli Magaalada Nairobi soomaalida dagan ay baqdin ka qabeen in saamayn muuqata uu ku yeesho qaraxii ka dhacay Islii iyo dil loo gaystay nin sargaal ahaa.

Saacada ka hor Booliiska ayaa waxaa ay dalbdaeen CID-da maraykanka si ay uga caawiyaan baaritaanka la xiriira qaraxii Nairobi waxaana warbixintan hada soo baxday ay farxad galinaysa soomaalida dagan Islii oo qalqal dareemaysay.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].

Comments

comments

Category : Featured, KENYA, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: