Kenya oo xabsiga u taxaabtay nin looga shakisanyahay inuu ka tirsanyahay kooxda Alshabaab
Ciidamada Booliska Degmada Laikipia ee dalka Kenya ayaa waxa maanta Xabsiga u taxaabeen Wiil dhalinyaro ah oo la rumaysanyahay in uu ka tirsanyihiin Dhaqdhaqaaqa AL-Shabaab.
Wiilkan 20 Jirka ah ee Xabsiga loo taxaabaya ayaa waxaa la sheegay in Mudo dhan laba sano uu Tababar ku soo qaadanayay Magaalada Kismaayo Ee Xarunta gobaleedka Jubada Hoose.
Sarkaal katirsan Saraakiisha Boliiska Kenya oo lagu Magacaabo Rufus Kihara ayaa waxa uu sheegay in Ninkan 20 Sano jir ah lagau xiray Deegaanka Matwiku lagana helay Hoyga Ninkasi Yunifoomka AL-Shabab iyo Aalado kale oo AL-Shabaab ay isticmaalaan.
Booliiska ayaa sheegay in Ninkan dhalinyarada ah sidoo kale laga helay Labo Sarwaal iyo Bilado Muujinaya Muhiimada uu Ninkaan u leeyahay AL-Shabab iyo waliba Kaarar aqoonsi oo Kenyaan ah oo aanu Magaciisa ku Qornayan.
Comments
comments