Kenya oo si kulul uga jawaabtay digniinaha dhanka safarka ah ee ka imaanaya qaar kamid wadamada reer galbeedka
Dowladda Kenya ayaa waxa ay si xoogan u cambaareysay Digniimaha la xiriira in Muwaadiniinta wadamada Mareykanka iyo Ingiriiska aysan u safri karin dalka Kenya, kadib weerar xoogan oo ay Xarakada Al-Shabaab ay ku qaadeen Xarun Ganacsi oo kutaalla Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Dowlada Kenya ayaa waxa ay sheegtay in ay taasi ay saamayn ku yeelan karto Lacagaha dalxiiska kasoo galo dalka Kenya oo aad u farabadan.
Hadalka dowladda Kenya ayaa waxa uu imaanayaa xilli dhawaan dowladdaha Mareykanka iyo Ingiriiska ay soo sareen Digniino ay uga digayaan Muwadiniintooda in ay u socdaalaan dalka Kenya oo ay sheegeen in uu yahay mid aan laysku halayn karin Ammaankiisa .
Wasiirka Arimaha Dibada dalka Kenya ayaa waxa uu sheegay in ay dowladiisu si wayn uga xuntahay Digniimaha ay soo jeediyeen wadamada Mareykanka iyo Ingiriiska ee ah in Muwadiniintooda aysan socdaal ku tagi karin gudaha dalka Kenya, ayna tahay arin aad looga xumaado.
Digniimaha Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa waxa ay imanayaa kadib Weerar Xoogan oo ay Xarakada Al-Shabaab ku qaadeen Xarunta si wayn looga dukaamaysto oo ku taala Magaalo Madaxda dalka Kenya ee Nairobi.
Comments
comments