Calendar

Kenya: Madaxwaynha Kenya oo diiday Codsi Madaxwaynaha Somalia ooga yimid.

Ciidamo_Manaas

Bartamaha (Nairobi):- sida ay qortay wakaaladda wararka ee AP Madaxwayanaha dalka Kenya Mio Kibaki ayaa diiday codsi ooga yimid dhigiiisa Madaxwaynaha dalka Soomaaliya Madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxwaynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa March 21, 2010 u soo diray warqad oo kaga codsanayo Madaxwaynaha Kenya Kibaki in uu Dowladda Soomaaliya ka caawiyo sidii Ciidanka ay Dowladda Kenya u tababareeyso Dowladda Soomaaliya loo geen lahaa Magaaladda Muqdisho balse arrintan uu gaashaanka u daruuray Madaxwayne Kibaki.

Dowladda Kenya ayaa Bilihii ugu danbeeyay tababar siineeysay ciidamo gaarana 2,500 oo ay u diyaarineesay sidii ay ooga qeeb qaada lahaayeen dagaalada la filayo in ay Dowladda Soomaalia ku qaado kooxda Al-shabaab balse qorshaha dowladda Soomaaliya ay ku dooneeysay in Ciidankan la geeyo Caasimada Muqdisho ay dowladda Kenya ka hortimid arrimo la xariira amaanka dalka Kenya.

“Madaxwayne Kibaki waxa uu codsiga ooga diiday Dowladda iyo Madaxwayne Shariif waxa ay tahay ugu horeentiina amaanka dalka Kenya” sidaas waxaa yiri Abdullahi Hassan oo ah Professor wax ka dhiga Jaamacad Nairobi Universality sidoo kallna ah Falanqeeye siyaasadeed.

Kibeki wuxuu sheegay in aysan fikrad wanaagsan aheyn go’aanka uga yimid Madaxweynaha KMG ah Shariif Sheekh Axmed, wuxuuna sheegay in ay Kenya joogi doonaan ciidamadaas oo asalkoodu ahaan dad udhashay dalka Kenya, maadaama badankooda laga aruuriyey gobalka Waqooyi Bari ee Kenya.

Wasiirka Gaadiidka, Cirka iyo Dhulka Prof, Maxamed Cabdi Gaandi ayaa horay uga hor yimid in ciidamadaas la geeyo Soomaaliya, iyadoo Diidamada Madaxwayne dalka Kenya uu arkayo Prof, Maxmed Cabdi Gaandi in ay tahay arrin wanagsan.

Dowladda Kenya ayaa horay u sheegtay in aysan weerar ku aheen kooxda Al-shabaab ayna amaankeeda sugan doonto si walba ay ahaataba.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaantan sheegeesay in ay weerar ay ku qaadi doonto kooxda Al-Shabaab, balse wali waxaa la dhoowrayaa xilliga dowladda Soomaaliya ay dagaalka ku qaadi doonto kooxda Mucaaradka.

Ibraahim Da’ud Cabdalle “Gentleman”

[email protected]

xafiiska Bartamaha ee Nairobi, Kenya

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: