Kaluumaysatada Xeebaha Muqdisho oo maanta shaqa joojin ku dhaqaaqay.
Bartamaha(Muqdisho):-Kaluumaysatada Xeebaha Magaalada Muqdisho ayaa maanta howshooda u joojiyay caqabad ay sheegeen in Ciidamada Amisom ay ku hayaan aqgeed.
Kaluumaysatada ayaa maanta dibad bax ku dhigay Degmada Xamar –Weyne iyagoo dowlada ka dalbanayay in ay cunaqabataynta ka qaado maadaama Ciidamada Amisom ay rasaas joogta ah doonyaha Kaluumaysiga ku furaan.
Bashiir Yuusuf Bare Afhayeenka Kaluumaysatada Xeebaha Muqdisho ayaa sheegay in rasaas iyo Madaafiic loo adeegsaday doonyahooda Kaluumaysiga dhibaanana ay ku hayaan Ciidamada AMisom.
Afhayeenka Kaluumaysatada Xeebaha Muqdisho ayaa ka codsaday Dowlada KMG ah in ay garab siiso dibaatada Amisom ay Kaluumaysatada ku haysana laga qabto oo shalay ay ugu danbeysay hoobiye ay ku weerartay doon Kaluumaysi.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments