Kalsoonidaada la noqo ama hakuu hayo Amiin Caamir
Awoodda Dowladda
Dhib ayaa haysta Amiin Caamir, Todobaad walba dadbaa u xanaaqsan laakiin markaad usii fiirsato waa kuwa uu wax ka sheegayo. Todobaad walbana dadka qaar baa kalsoonida kala noqda. Waxaa hubaal ah Amiin Caamir qofkii bishaan jecel sawiradiisa bisha dambe ogsoonoow kalsoonidooda ayay kala noqon doonaan.
Amiin ayaa maanta sawirkiisa ku cabiraya AWOODDA DOWLADDA iyo sida uu hoggaanku yahay, Waxaana inoo jilaya sawirkan Madaxweynaha, Raiisal Wasaaraha, Afhayeenka Baarlamaanka oo Sigaar farabadan cabaya, Wasiirka Amniga Cabdikariin iyo Wasiirka Dastuurka Faarax Shiikh Cabduqaadir. Sharraxaadda sawirkanna idinkaan idiin daynaynaa.
Ciddii doonta kalsoonida hakala noqoto farshaxanyahankan laakiin Amiin waa codka Soomaalida aan codka lahayn wuxuuna had iyo goor taabtaa halka ay wax ka khaldan yihiin isagoo aan cidna kala reebayn.
Comments
comments