Kalsooni siinta Farmaajo oo weli luuq ku jirta.
Bartamaha (Muqdisho):- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa weli aan helin kalsoonidii Baarlamanka xilli muddo dhowr jeer ah uu baaqday kulan lagu doonayay Kalsooni siintiisa.
Ra’iisul Wasaare Maxamed C/laahi Farmaajo oo muddo dhowr todobaad ah xilka haya ayaa weli aan helin kalsoonidii Baarlamanka Soomaaliya iyadoo Khilaaf xoog leh uu ka dhashay codkii la siin lahaa masuulkaasi.
Farmaajo ayaa la sheegay in la yaab iyo dhabar jab siyaasadeed ay ku noqotay Khilaafka soo kala dhexgalay Xildhibaanada dhexdooda waxaana muddo dhowr maalmood ah muranka ugu badan uu ahaa qaabkii loogu codayn lahaa.
Kulamadii Baarlamanka ayaa waxa ay baaqdeen dhowr maalin waxaana shalay iyo maanta baaqanayay kulankii guud ee Baarlamanka xilli Madaxweyne Shariif iyo Shariif Xasan ay heshiis ka gaareen khilaaf salka ku hayay qaabkii loogu codayn lahaa Mud.Farmaajo.
Lama oga xiligii codka la siin lahaa Masuulka cusub ee hada haya xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya kaasi oo aan haysan kalsoonida Xildhibaanada Baarlamanka oo dhexdooda ku kala fikir duwanaaday qaabka loogu codaynayo masuulkaasi.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments