Kadib Kulan oo maanta ay yesheen agaasimayaasha guud Ee wasaaradaha xukuumada kmg ayaa loga hadlay khliifka u dhaxeeya madaxda sare ee dowlada sidii ay saameyn ugayeelan laheen wasaaradaha xukuumada kmg ee soomaaliya: June-15-2011
Kulan maanta ay isigu yimadeen agaasimayaasha guud ay wasaaradaha xukuumada kmg kana Dhacay waraada hoolaha guud iyo guryeenta ayaa loga hadlay arimo badan ay ka mid tahay Khliifka u dhaxeeya madaxda sarsare sidii ay saamey ugayeelan laheen wasaaradaha xukuumada KMG Ee soomaaliya.
Kulanka kadib wixii ka soo baxay waxaa saxaafada u aqriyaay agaasimaha guud ee wasaarada Shaqada iyo shaqaalaha dhalinyarada iyo isboortiga iyo arimaha bilshada aweys shiikh xadaad Ayaa waxa uu sheegay in shirkaasi ay maanta ay ka soo qeyb galeyn agaasimayaasha guud ay Wasaaradaha kala gidisan ee xukuumada soomaaliya ay isku af karteen qodabo dhoor ah oo ay ka Mid tahay sidii saameyn ugu yeelanlaheen madaxda sare khilaafka u dhaxeeya .
Sidoo kale agaasimaha waxuu soo hadal qaday qodabadii ay isku afgarteen agaasimayaasha ayaa Waxaa uu sheegay iney yihiin dad farsamayaqaano oo dhanka shaqadda ama maamulka ah ku Kooban lakiinse aan aheen dad siyaasiin ah wexey isla garteen arimaha siyaasada soomaaliya aan Iyagu shaqo kulaheen aan faraha la galeyn
Gabagabadii ayaa waxa uu sheegay agaasimaha guud ee wasaarada shaqada iyo shaqaalaha Sababta ay u kulmeyn agaasimayaasha guud wasaaradaha ay tahay kala saarida siyaasada iyo Shaqadda cidna aan tagersaneen isbadalkasta ay yimaada habsami u socod kooda shaqadda ay Quseynin khilaafka madaxda sarsare ee dowladda marwaliba waxaan u adegnaa shacabka ayuu Hadalkiisa ku soo gabagabeeyay ag aweys sheikh xadaad.
Mudooyinkii ugu danbeeyay ayaa waxaa lahad haayay iney sameesay wasaaradaha xukuumada KMG soomaaliya khilaafka ka dhax jira madaxda ugu sareysa dalka go,aanka ay maanta gareyn Agaasimayaasha wasaaradaha xukuumada ay meesha ka sareysaa habsami u socodka shaqada iyo Khilaafka ,
Xafiiska wararka bartamaha: muqdisho
Comments
comments