Calendar

Kaba Ku dukade “Ahlu Sunnah way burbureen Maamulkeena ayaan gaarsiinaynaa Galgaduud oo dhan…”.

mBartamaha(Ceel-Buur):-Hogaamiyaha Kooxda Alshabaan Gobolka Galgaduud ayaa shaaca ka qaaday in Ahlu sunah ay ka burbureen Goboalada dhexe.

Gudoomiyaha Xarakada ALshabaab Gobolka Galgaduud Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise (Kaba-Ku dukade) ayaa shaaca ka qaaday in Kooxda AHlu sunnah ay burburtay dhawaana ay maamulkooda gaarsoonayaan Galgaduud oo dhan.

“Ahlu Sunnah way burbureen Markii ay isku fahmi waayeen hishiiskii ay Ethiopia la galeen…Maamulkeena ayaan gaarsiinaynaa Galgaduud oo dhan hadda beelaha Gobolka ayaa noo yeeranaya…” ayuu yiri Hogaankaasi.

Hogaanka AlShabaab Galgaduud ayaa intaasi ku daray in ay ogaadeen ion Ahlu sunnah ay burburtay markii Beelaha dagan galgaduud gaar ahaan dhuusmareeb ay u yerteen Xarakada si ay deegaanka ula wareegaan.

Hadalka Sargaalkaasi ayaa imaanaya xilli dhawaanahan Wada hadal guullaga gaaray uu u dhexeeyay Ahlu Sunnah iyo Dowlada Soomaaliya iyadoo Muqdisho ay soo gaareen madax sare oo Ahlu sunnah ka mid ah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: