K’naan Abdi Warsame iyo Xulka/kooxda uu Taageero Koobka aduunka! waa Xulkee/Kooxdee?
Bartamaha (Nairobi):-Kala duwanaashaha dadka ayay haddana waxa ay jecelyihiina u kala duwanyihin, qof walba waxbuu si gooni ah u jecelyahay ha xumaadan ama ha fiicnaadan balse marka ay timaado taageerida kooxaha ama Dalalka Ciyaara Kubada cagta qofba dooq ayuu leeyahay.
Waxaa dhawaan ka furmay dalka South Africa (Koonfur Africa) koobka aduunka (World Cup 2010) oo aftartii sanaba mar la dhigo inkastoo xulka Soomaaliya nasiib daro dalkeena ku dhacdo dartiis aynaan wali ka soo qeyb galin koobka aduunka.
K’naan Abdi Warsame oo ah Fanaan Soomaaliyed caana ku noqday Heesta “Waving the Flag†ayaa waraysi uu siiyay xilligi uu ku sugnaa Biloowga Bishan June Magaaladda London Wargeeska Telegraph ee ka soo baxa dalka Ingiriiska kana mid ah wargeesyada Caalamka ugu xushmada badan ayuu ku sheegay waraysigaas oo dhinacyo badan taabanayay kooxda uu taageersanyahay.
“Marka ay timaado koox waxaan taageeraa Kooxda Chelsea ee dalka Ingiriiska†ayuu yiri K’naan oo wax laga waydiiyay kooxda uu aduunka ka taageero.
Balse marka ay timaado Xul ama Qaran K’naan waxa uu taageeraa kooxda kubada cagta ee Ivory Coast ee u ciyaaro ciyaahan Drogba. Sidaas wuxuu ku sheegay Waraysii uu siiyay Wargeeska Telegraph
Haddaba waxaa meeshan ka cad in K’naan Abdi Warsame uu taageero kooxda Ivory Coast ee dalka Africa ka timaada iyadoo K’naan oo calanka Somaalida ee Buuga ah uu ku soo bandhigay koobka aduunka taasi oo dad badan ay u arkeen in K’naan uu yahay geesi u soo baxay Soomaalida.
Ibraahim Da’ud Abdalle
www.facebook.com/sayfudiindc
Bartamaha, Nairobi-Kenya
Comments
comments