John Terry Oo Doonayo In Uu Katago Kooxd Chelsea:
John Terry ayaa ku dooday in xiligaan uusan ka fikireyn arinta ku aadan in uu kordhiyo hishiiskiisa uu ugu joogo kooxda kaas oo dhamaanaya sanad ka dib , waxa uuna tilmaamay in haatan uu xoogga saarayo sidii kooxdiisa uga caawin lahaa in Champions League yimaadaan .
Kabtankii hore ee qaranka Ingiriiska John Terry ayaa hoos uga dhacay liiska line-up-ka ee tababare Rafael tan iyo markii uu soo gaaray dhaawcii cuslaa ee jilibka ee ka fogeeyay garoomada Novembert-tii hore iyadoo haatan uu shaki badan hareeyay mustaqbalkiisa ee Stamford Bridge .
Terry ayaa shabakada Sky Sports News ka yiri ” dhaawac culus ayaa horay ii soo gaaray taasina waxa ay in yar iga fogeeysay garoomada , waxaan xoogga saarayaa in aan si fudud ugu soo laabto heer ciyaareedkeyga , xiligaan iguma haboona xilli ciyaartooy kale ay si wacan u ciyaarayaan”.
” Waxaa muhiim ah in dadka ogaadaan in hishiiskeyga uu ka harsan yahay sanad , hishiis cusub kama fikarayo xiligaan , marka xilli ciyaareedka dhamaado markaas waa suura gal in wadahadal ka bilaawno arintaas , hishiis cusub aan saxiixo ama yaan saxiixin waxaan dadaalkeyga isugu geynayaa caawinta Chelsea” ayuu sii raaciyay.
Comments
comments