Calendar

Jidka warshadaha oo noqday wadada ugu cabsida badan Caasimada (Xog iyo Faahfaahin).

jdiakaBartamaha (Muqdisho):- Sida aynu ku helnay Xog iyo warbixino dhamaystiran oo wadadaasi warshadaha ku aadan waxaa sii badanaya qalqalka iyo cabsida shacabka soo wajaha xiliga ay marayaan jidkaasi Warshadaha.

Jidka warshadaha ee Muqdisho waa wadada kaliya ee xiligan ka furan caasimada wallow dadka ay isticmaalaan iyaga oo cabsi xoogan ay ka muuqato xiliga ay wadada marayaan.

Wadada ayaa waxaa wada isticmaala dhammaan gaadiidkii Magaalada isaga kala gooshi jiray sida gaadiidkii ka shaqeyn jiray wadooyinka kala ah:-

Jidka KM.4 illaa Bakaaraha, Xamar-weyne illaa Bakaaraha,Boosteejada Sheelari Xamar-jajab illaa Isgoyska Bakaaraha iyo Wadooyin badan oo hadda la soo xeray.

Dadka caasimada labadeeda jiho oo ay kala xerteen Dowlada iyo Mucaaradka ayaa waxa ay yihiin kuwa aan ka maarmin in ay magaalada isku maraan islamarkaana badankood aanay ka maarmin in ay gaaraan suuqa ugu weyn Soomaaliya Ee Bakaaraha.

Jidka warshadaha ma aha mid wada furan balse waxa uu yahay mid ay gaadiidka iyo dadka shacabka ah ku dhiiradaan in ay isticmaalaan oo ay maraan wada u dhexeysa laba Koox oo dagaalsan.

Dadka wadada Warshadaha isticmaala ayaa waxa ay yihiin kuwa Laba qori oo isku aadan dhexmara sida Ciidanka Burundi oo dagan Kuliyadii Jaale Siyaad iyo kuwa Shabaabka oo dagan Wasaaradii hore Ee Gaashaandhiga oo ah laba dhismo oo isku muuqanaya.

Dadka rayidka ah ayaa mararka qaar ku soo aada Wadada oo rasaas ay ka dhacayso balse sheekada iyo hadalka caadiga ah ayaa istaagan xiliga ay wadada Cagta soo dhigo gaariga ay saaranyihiin iyadoo Erayga ay ku dhawaaqaan uu noqdo “Laa Xowla Walaa Quwata Illaa Billaah” iyo Allow na mooti iyo Erayo kale.

Dhacdooyinka joogtada ka noqday jidkaasi warshadaha ayaa noqday gaari shil gala isaga oo ka cararaya Qarax Miino ama rasaas ay isku furaan labada dhinac ee isku horfadhiya jidkaasi maadaama ay isku jeedaan.

Shilalka dhaca iyo rasaasta ay isdhaafsadaan Alshabaab iyo Amisom ayaa noqday mid wadada ka dhigay Jidka Geerida iyadoo dhowr jeer oo hore ay ku dhamaadeen dad shacab ah oo aan waxga galabsan.

Jidka sidaasi u kala xeran oo ay danta biday in gaadiidka caasimada ka shaqeeya iyo shacabka aan ka maarmin isaga gooshida magaalada la moodo in Xadka uu dhexyaalo ayaa waxaa taasi u dheer baqdin ay ka qabaan laamiga uu gaariga ku socanayo.

Wadada Warshadaha ayaa waxaa ku yaala Laba god oo ay dadka ugu yeeraan “Godka Miinmada” kaasi oo ku yaala inta u dhexeysa Kuliyada Jaale Siyaad iyo Haanta dheer ee biyaha siin jirtay dhul badan oo ku yaala Wadadaasi.

Godka Miinada ayaa waxaa inta badan ka qarxa Miinooyin aan la garanayn cida qarxisa iyadoo dhowr jeer gaadiid rayid saaranyahay uu qaraxaasi qabsado wallow mararka qaar si toos ah loola beegsado Ciidanka Amisom.

Miinada,Qoryaha isku foorara ee dhexdooda la maro ayaa waxaa sii barbar taagan Ciidanka Dowlada oo caada ka dhigtay in ay ka faa’iideystaan gaadiidka xiliga uu joojiyo Xawaaraha uu ku socanayo iyagoo u istaaga agagaarka Godka Miinada halkaasi oo shacabka ay ku baartaan.

Cabsida dhinacyada isaga soo horjeeda Wadada Warshadaha oo la raaciyay Godadka Miinooyinka la galiyo taasi oo la sii garab dhigay dhaca iyo Baarashada Ciidanka Dowlada ayaa waxa ay xaalada ka dhigtay in Wadada kaliya Ee Caasimada ka furan noqoto mid Cabsi iyo qalqal ay dadka ku maraan Wadadaasi.

Xafiiska Bartamaha .Com Ee Bariga AFrika.

[email protected].

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: