JENDAYI FRAZER ayaan idiin soo helnay, waxayna u doodaysaa xuquuqda Koonfurta Sudan (VIDEO)
Bartamaha (Washington DC) Jendayi Frazer oo Soomaali badani ay ku tilmaamaan inay ahayd qofkii ay nabadda Soomaaliya ay ka harsan weyday intii ay haysatay xafiiska arimaha Afrika ee wasaaradda arimaha dibedda ee Maraykanka, ayaan idiin soo helnay meeshay ku danbaysay waayadan.
Waxay wax ka dhigtaa Jaamacad Maraykanka ku taal, waxay dhigto idiinkagama waramayno laakiin waxaan idiin haynaa iyadoo u doodaysa xuquuqda dadka reer Sudan una waramaysa Amanpour (CNN) .
Waxaase isweydiin mudan intii ay xafiiska arrimaha Afrika haysatay kumaanan arag iyadoo CNN-ka uga doodaysa xuquuqda Soomaalida maalin walba ku le’anaya dhulkeena.
Daawo iyadoo ka hadlaysa Madaxweynaha Sudan Cumar Bashir iyo waxyaalo kale.
Comments
comments
Category : VIDEOS.