Calendar

Jen. Dhegabadan oo ku baaqay in la maxkamadeeyo askartii ka dambeysay dilka taliyihii guutada 2aad

dhagabadan-saiwr-cusbAbaanduulihii hore ee ciidamada milateriga dowlada Somalia Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan) ayaa ugu baaqay dowlada Somalia iney maxkamad horkeento raggii dilay Taliyihii guutada 2aad ee ciidanka XDS Col. Cali Guure Afdhuub.

Dhega-badan ayaa sheegay in raga dilkaas geystay aysan dembi ka gelin oo kaliya taliyahaas balse ay dambi ka galeen shacabka iyo Qaranka Soomaaliyed ayna waajib tahay in la maxkamadeeyo si ciqaabta ay mudan yihiin loo mariyo.

“Allaha u naxariistee Col. Cali Guure wuxuu ka mid ahaa raggii dalka u soo dagaalamay, nin qoys ka baxay ma ahayn ee wuxuu ahaa nin ka baxay Qaranka Soomaaliyeed oo dhan, waxaana geeridiisa uga tacsiyeynayaa ummadda Soomaaliyeed, dowlada iyo qoyskii uu ka baxay,” ayuu yiri Jen. Dhega-badan oo ku sugan magaalada Kampala ee dalka Ugandha.

Taliyihii guutada 2aad ee ciidanka XDS Col. Cali Guure Afdhuub ayaa shalay lagu aasay magaalada Muqdisho ka dib markii uu isbitaalka Xalane ee AMISOM ugu geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas ay ku fureen ciidamo ka tirsan dowlada oo uu doonayey inuu ka qaado Jidgooyooyin ay dhigteen degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Wasiirka difaaca Somalia C/xakiin Xaaji Fiqi iyo taliyaha ciidanka XDS Jen. Indho-qarshe ayaa lababada waxay balan qaadeen inaan laga hari doonin kooxihii ka dambeeyey dilkii taliyaha iyagoo xusay in la garanayo, loona xilsaaray ciidamo gaar ah oo soo qabta.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: