Jawaab ku socota Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta (Qore:-Ismaacil Cismaan).
Bartamaha—- Annigoo tixraaceyno warbixin iyo wareysi uu bixiyay Wasiirka Warfafinta & Boostada oo ka hadlay arrimaha domainka qaranka ee dot.SO ayaa wasiirku si cad u dafiray isagoo sheegay inaan domainka la iibin isla markaana waxa uu sheegay in domainka lagu wareejiyay shirkad ajnabi ah.
Hadalka Wasiirka meel buu iska qabsan la’ayahay, lama wareejin, lamana iibin, iyo waxaan ku wareejinay shirkad ajnabi ah. Waxa kale uu Wasiirka sheegay in domain dot.SO lagu soo wareejiyay gacanta dowladda Somaliya.
Haddaba, waxaan jeclaan lahayn in wasiirka hadalkiisa uu dib ugu laabto una sheego ummadda Somaliyed “Domainkii annagaa hayna oo waakan; ama domainkii shirkabaan ka iibinay si aay suuqyada caalamka ugu iibiso”
Waxa kala uu wasiirku iska fogeeyay inaanu isagu joogin meel lagu iibiyay ama lagu wareejiyay domainka. Haddaba waxaan haynaa in wasiirka isagoo markaa ah agaasimaha madaxtooyada uu hoggaaminayay wafdigii tagay dalka Belgium xafladdii aay dowladdu loogu ogolaaday in lagu wareejiyo domainka qaranka – Halkan Riix http://www.itu.int/osg/photos/detail.asp?y=2010&n=772
Haddaba su’aasha meesha imanayso ayaa ah; Maxaa keenay agaasimaha madaxtooyada inuu isagu hoggaamiyo wafdi ka socda wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta oo uu weliba goobjoog ka ahaa wasiirkii hore ee Boostada Cabdirasaq Cusman Jurille Halkan Riix http://www.itu.int/osg/photos/detail.asp?y=2009&n=2643
Waxaa marag madoonta ah in labada masuul ee wasiirkii hore iyo wasiirka cusub ee Boostada iyo isgaarsiinta aanay fahamsaneyn qibradna u laheyn faa’iidada uu leeyahay domainka dot.SO ummadda Somaliyed iyo weliba in domainku yahay hanti qaran oo anay labadooduba wareejin Karin, iibin Karin iyadoo aan ogolaasho laga helin golaha baarlamaanka.
Waxaa kale oo aan ilaa hadda caddeyn lacagaha malaayiinta dollar ah oo ay bixisay shirkadda ajnabiga ah ee lagu wareejiyay domainka qaranka. Ilaa hadda wax hadal ah kama hayno wasiirka cusub iyo kii hore intaba halka aay ka baxday lacagahaa tirade badan iyo meesha la geeyay.
Waxaan daba taaganahay musuq maasuqa meesha ka dhacay iyo in lagu takri falo hanti qaran oo suuqyada adduunka loo iibgeeyo si sharci darro ah oo ah boob iyo qiyaano qaran.
Mar uu waraysi bixiyay ninka madaxda ka ah shirkadda iibsatay domainka Mr. Hiro ayaa sheegay “In faa’iidada aay ka helaan domainka in yar oo ka mid ah aay ugu yaboohi doonaan Somalida dhibaateysan iyo carruurta” Taasi waa meel ka dhac iyo gef loo geystay dhammaan ummada Somaliyed in la yiraahda waxaan iibineynaa hantidiinii wixii faa’iid ahna in yar baan idinka siineynaa. Yaa kaa iibiyay hantida qaran oo aay ummadi leedahay? Halka ka eeg wareysigii Mr Hiro iyo aflagaadii uu ugeystay ummadda Somaliyed – http://www.prlog.org/11016118-key-systems-accepts-so-pre-applications.html
Haddaba Waxaa weydiinaya wasiirka boostada inuu ummadda Soomaaliyed uga jawaabo su’aalahan hoost ku qoran.
Yaa amray ama idiin ogolaaday inaad hanta qaran ku wareejisan shirka shisheeye
Xaggeed geyseen lacagihii aad is dhaafsateen shirkadda ajnabi iyo labadiina masuul?
Maxuu arrintan ka og yahay Madaxweyne Sharif Sheek Axmed?
Ma jiraan heshiisyo kale oo aad la gasheen shirkado ajnabi gaar ahaan GMO Registry iyo GMO Mobile?
Waxaan rajeynayaa inaad ka soo jawaabtaan su’aalah kor ku xusan. Waxaa kale oo aan rajeyneynaa in Baarlamanka Somaliya arrintan sida ugu dhaqsaha badan uga hadlo, lana horkeeno baarlamaanka iyo sharciga qof walbo oo aay ku cadaato iibinta hanti qaran, gaar ahaan cinwaanka internetka waddan ee dot.SO
Qore: Osman D. Osman
Comments
comments