Jabuuti oo si weyn u xusatay Maalinta Xuriyada.
Bartamaha(Jabuuti):-Jamhuuriyada Jabuuti ayaa si weyn u xusaysa maanta maalinta Xuriyada oo ku beegan 27-Jun.
Munaasabado badan oo lagu maamuusayay sanad guurada 33-aad ee ka soo wareegtay Xuriyada Jabuuti ayaa Xalay illaa saaka ka socanaysay magaalada Jabuuti.
Magaalooyinka Dalka Jabuuti ayaa waxaa ka socanaya Xaflado balaaran oo lagu maamuusayo maalinta Xoriyada Jamhuuriyada Jabuuti oo ku beegan 27-Jun iyadoo laga joogo munaasabadaasi muddo 33-sano ah.
Munaasabada ayaa waxa ay ka dhacayusaa sidoo kale deegaano badan oo ka mida soomaaliya iyo sidoo kale dalalka kale oo ay xarumaha ku leedahay Dowlada Jabuuti.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Isaamiil Cumar Geele oo hadal u jeediyay shacabka Jabuuti ayaa ugu Hambalyeeyay Munaasabada 33-guurada ka soo wareegtay maalinta Xuriyada.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi –Kenya.
Comments
comments