Jabuuti oo Safaarad ka furatay gudaha Muqdisho (Daawo)
Bartamaha (Muqdisho):- Dowlada Jabuuti ayaa maanta safaaradeeda Soomaaliya dib u furtay muddo 20-Sano ah ka dib.
Munaasabad ka dhacday gudaha dhismo Safaarada Jabuuti yeelatay ayaa waxaa maanta si weyn loogu dabaal dagay furitaanka Safaarada Cusub Ee Dowlda jabuuti ku yeelatay Muqdisho.
Munaasanada maanta oo ay ka qeybgaleen Masuuliyiin caan ah sida Ra’iisul Wasaare Xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibada Dowlada Soomaaliya Maxamed C/laahi Oomaar,Wasiirka Wasaaradda Dekadaha,Gaadiidka Badda,Cirka iyo dhulka Axmed Cabdiraxman Abaade, Xildhibaanno ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Baarlamanka Soomalaiya,safiirka Dowladda Yeman u jooga wadanka Soomaaliya Ambassador Axmed Cumar, Safiirka Dowladda Sudan u qaabilsan Soomalaiya Ambassador Faadil Aljasuuli, Wakiilka Ururka Jaamacacdda carabta u jooga wadankan Soomaaliya Ambassador Maxamed Cabdalla Idiris iyo madax kale.
Munaasabada ayaa waxaa sidoo kale joogay masuuliyiinta Gobolka Banaadir iyo Haween ku soo libistay Calanka Wadanka Jabuuti oo si aad ah ugu dabaal dagalay munaasabada maanta Jabuuti ku furanaysay Safaaradeeda.
Dhismaha oo ah mid aad ugu dhow Villa Somalia ayaa waxaa ammaankiisa durbaba la wareegay Amisom iyadoo Calanka Dowlada Jabuuti laga taagay bartamaha dhismahaasi Safaarada.
Madaxweyne Shariif oo la kulmay Safiirka Jabuuti Mudane Danjire Dayib Dubbad Rooble ayaa waxa uu ku soo dhaweeyay dalka isagoo ku amaanay dadaalka Jabuuti ugu jirto caawinta dowlada Soomaaliya.
Daawo Sawirada:-
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments