Calendar

Maamulka Somaliland oo lagu baaqay inuu jawaab ka baxsho qaraxii dhawaan ka dhacay Jabuuti

BARTAMAHA – Dhawaan Dowladda Jamhuuriyada Jabuuti waxaa ay shaacisay in Labadii Qof ee isku Qarxiyey Maqaaxi ku taala Dalka Jabuuti ay ka yimaadeen Magaalada Hargeysa ee Caasimada Maamulka Soomaaliland.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo Warbahinta kula hadlay Magaalada Hargeeysa ayaa sheegay in Wasaarada Arrimaha Gudaha Maamulka Soomaaliland ay Faah-faahin ka bixiso hadalka ka soo yeeray Dowladda Jabuuti.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliland ay Jawaab cad ka bixiso hadalka ah in Labada Qof oo isku Qarxiyey Dalka Jabuuti ay ka soo jeedaan Soomaaliland,hadii ay Run tahay iyo hadii kale ay soo kala Cadeeyso.

Wasaarada Arrimaha Gudaha Jamhuuriyada Jabuuti ayaa dhawaan Shaacisay in Gabar iyo Nin isku Qarxiyey Maqaaxi ku taala Dalka Jabuuti ay ka soo jeedaan Maamulka Soomaaliland.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: