Jabhada ONLF oo Ethiopia ku Eedeysay barakac balaaran oo ka socanaya dhulka Soomaalida.
Bartamaha(Ethiopia):-Jabhada ONLF Afhayeen u hadlay ayaa ku Eedeeyay Dowlada Ethiopia in ay masuul ka tahay barakicinta lagu hayo Soomaalida dagan galinta 5-aad dhulka Soomaalida.
Madaxa Warfaafinta ee Jabhadda ONLF Xuseen Maxamed Nuur oo Saxaafada la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in Dowlada Ethiopia ay masuul ka tahay dhibaataynta shacabka Soomaalida.
Afhayeenka ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ay shacabka reer guuraaga ah ay dhibaateeyaan islamarkaana ay ku qasbaan in ay ka barakacaan Deegaanada ay ka daganyihiin dhulka Soomaalida oo ay Dowlada Ethiopia maamulato.
Jabhada ayuu sheegay masuulka u hadlay in ay Dagaal xoogan kula galeen Ciidamada Ethiopia deegaanada ay maamulato ee Diradhabe iyo Dhagaxtuur wadada xiriirisa.
Jabhada ayaa ugu danbayn wacad ku martay in ay qaadanayso go’aan lagu laynayo Cidiamada Ethiopia meel waliba oo ay daganyihiin si loo xureeyo Deegaano badan oo ay haatan awood ku maamulaan.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments