Jabhada ONLF oo been aan sal iyo raad lahayn ku tilmaamtay hadal ka soo baxay Sheekh Xasan Yacquub.
Bartamaha(Doxa):-Jabhada Xureynta Ogaadeeniya Ee ONLF ayaa been abuur balaaran ku tilmaamtay war saaka ka soo baxay afhayeenka Alshabaab Jubooyinka kaasi oo dagaalka ku Eedeeyay Jabhada.
Xuseen Maxamed Nuur Madaxa Warfaafinta Jabhada ONLF oo ku sugan Dalka Qadar ayaa waxa uu sheegay in aanay marnaba lug ku yeelan dagaalada ka socda dalka Soomaaliya.
Madaxa Warfaafinta Jabhada ONLF ayaa sheegay in dagaalada soomaaliya ay ka madax banaanyihiin isagoo sheegay in aanay marnaba dagaalka soomaaliya ka socda ka qeybqaadan Jabhada.
“Jabhada ONLF lama dagaalanto Soomaalida mana ka weerar tango gudaha Soomaaliya ee waxaan tiigsanaa goobaha cadowga noo joogo ee gudaha dalkeena†ayuu yiri Madaxa Warfaafinta ONLF.
Hadalka Carada xanbaarsan ee ka soo baxay Jabhada ONLF ayaa waxa uu imaanayaa xilli Afhayeenka Wilyaada Alshabaab Jubooyinka ay ku Eedeysay Jabhada in ay la soo safatay Kooxda Sheekh Axmed Madoobe.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments