Calendar

Jabhada ONLF ayaa dowlada Itoobiya ku eedaysay xasuuq ay ka gaysatay dhulka soomaalida.

onlfBartamaha(Muqdisho):-Jabahada xoraynta dhulka soomaaliyeedv ee Itoobiya ee marka la soo gaabiyo magaceeda loogu yeero ONLF ayaa eedayn dusha kaga tuurtay ciidamada itoobiya oo ay sheegeen in ay laayeen dad soomaaliyeed.

Madaxa Warfaafinta Jabahadaasi Xuseen Nuur oo haatan ku sugan wadamada Khaliijka ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya si naxariis la’yaan dadka dagan deegaanada ismaamulka soomaalida Itoobiya halkaasi oo uu tilmaamay in todobaadkan ay ku dileen ilaa50Ruux oo ay 5ka mid ah ay haween ahaayeen.

Afhayeenka Jabhada ONLF Xuseen Nuur ayaa sheegay in askarta itoobiya ay dhulka soomaalida ay ka gaystaan Kufsi ,Dil iyo dhac bareer ah taasi oo uu ku tilmaamay in ay tahay mid sharci dara ah.

Bilihihii la soo dhaafay ayaa la sheegay in ciidamada itoobiya sida ay kaga laabteen soomaaliya ay isku faafiyeen dhulka soomaalida halkaasi oo ay dhibaata ka gaysanayeen sida wararka ay tilmaamayeen.

Hadalka eedaynta ah ee masuulkaasi ka soo yeeray ayaa sidoo kale waxa uu u jeediyay Wadadamada Afrika oo ay xaruntooda halkaasi tahay in ay wax ka qabtaan ciidamadan lagu sii daayay soomaalida dhibaatada ay ku haysato Dhulka galinka 5aad ee itoobiya.

Xafiiska Wararka Soomaalida www.Bartamaha.CoM.

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: