Jaamacada Carabta oo ku baaqday din u hishiisiin la dhexdhigo dhinacyada Soomaalida.
Bartamaha (Adis-Ababa) Jaamacada Carabta ayaa shaaca ka qaaday in in dalka Soomaaliya xiligan xaaladiisa ay ka sii darayso loona baahanyahay wada hadal laga dhexbilaabo dhinayada isku haya Dalkaasi.
Wakiilka Jaamacada Carabta Ee Midowga Afrika Salaaxudiin Nuux oo warfidiyeenada kula hadlayay Magaalada Adis-Ababa ayaa waxa uu sheegay in loo baahanyahay dhexdhexaadin laga dhex sameeyo Islaamiyiinta iyo Dowlada.
Salaaxudiin Nuux ayaa sheegay in xiligan dhibaato xoogan ay ka taagantahay dalka Soomaaliya loona baahanyahay wada hadal laga dhexbilaabo xoogaga Mucaaradka iyo Dowlada KMG ah.
Jaamacada Carabta ayaa waxa ay ku baaqday in dalka Soomaaliya xiligan wax laga qabto dhibaatooyinka ka taagan si loo badbaadiyo shacabka duleedyada Magaalada Muqdisho diifta ku haysato.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments