Jaamacada Carabta oo canbaareysay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa Ee lagu qaaday Ciidamada Amisom
Bartamaha (Cairo):-Qoraal ka soo baxay xafiiska Xoghayaha Guud Ee Jaamacada Carabta ayaa lagu canbaareeyay weerarkii lagu qaaday fariisinka Ciidamada Amisom Muqdisho.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in Jaamacada Carbta ay walaac ka muujinayso Xaalada isbadalka badan Ee Dalka Soomaaliya islamarkaana ay ka naxday qaraxii lala beegsaday Ciidamada Amisom.
Jaamacada Carabta ayaa sheegtay in isqarxinta ay ahayd mid fal argagaxiso ah islamarkaana ay dhibaato xoogan ay ka soo gaartay saraakiil iyo Ciidamada nabada ilaalinta Amisom.
Xoghayaha Guud Ee Jaamacada Carabta ayaa si gaar ah u muujiyay walaaca xoogan uu ka qabo xaalada Dalka Soomaaliya iyo dhibaatada haysata shacabka iyo Dowlada Soomaaliyeed.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments