Jaamaca Carabta oo sheegtay in ay Dalka Soomaaliya Ciidamo Nabad ilaalin ah u diyaarinayso.
Bartamaha(Qaahira):-Xoghayaha guud Ee Jaamacada Carabta oo la hadlayay Saxaafada ayaa sheegay in ay doonayaan sidii ay Ciidamo u gayn lahaayeen Dalka soomaaliya.
Xog-hayaha Guud Ee Jaamaca Carabta Caamir Muusa ayaa sheegay in Dalka soomaaliya xiligan oo u baahanyahay in gacan laga siiyo xagga Ciidamada Ilaalada Ammaanka .
Caamir Muusa oo xiliga uu hadlayay ka soo baxay kulan uu la yeeshay wakiilka Maraykanya Ee Bariga dhexe isagoo sheegay in Dalka soomaaliya xiligan uu u baahanyahay in gacan laga siiyo xagga Ammaanka .
Xoghayaha Guud Ee Jaamacada Carabta ayaa ku baaqay in Wadamada Carabta ay u diyaar garoobaan sidii ay Soomaaliya Ciidamo ugu diri lahaayeen maadaama xiligan ay u baahantahay gacan xagga Ciidamada Nabad ilaalinta ah.
Â
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somlalia
Comments
comments