Calendar

Jaamac Sandaqad oo xilkii laga qaaday ku tilmaamay mid aan dastuurka waafaqsanayn

Kadib markii maalintii shalay munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyadda magaaladda Gaalkacyo xilkii looga qaday taliyihii qaybta booliska gobolka Mudug Jaamac Maxamed Axmed (Sandaqad),ayaa waxaa arrinta ku gacan sayray oo shrci daro ku tilmaamay taliyaha xilka laga qaday.

Taliyihii qaybta booliska gobolka Mudug Jaamac Maxamed Axmed (Sandaqad) ayaa ku gacan saysay xil ka qaadistii dhawaan lagu sameeyay, taasoo ka soo baxday guddiga amniga qaranka Puntland.

Jaamac Maxamed Axmed, wuxuu si kulul u weeraray saraakiishii xilka ka qaaday, kuwaasoo uu ku tilmaamay kuwo ku dagdagay qorista warqadda xil-ka qaadista.

Taliyihii hore oo aan shalay ka baaqsaday munaasabaddii xil-wareejinta ayaa tilmaamay inuu ku yimid warqad madaxweyne, wuxuuna hoosta ka xariiqay unuusan u hogaansami doonin xil ka qaadista lagu sameeyay, wuxuuna carabka ku dhuftay in haddii la badalayo si nidaamka iyo sharciga huwan in loo badalo.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: