Jaaliyada Reer Puntland EE Minnesota oo taageeray Musharaxa madaxweynaha Somalia Mudane Mohamed Saleban (Daawo)
Bartamaha (Minnesota):- Jaaliyada Reer Puntland ee Gobolka Minnesota iyo Putalnd Diaspora Forum oo taageeray Musharaxa madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Saleebaan.
Xaflad ay kas oo qayb galeen dhammaan qaybaha bulshada ee reer Puntland ee Gobolka Minnesota habeenkii Sabtida ee bishu ahayd 11/20/2010 ayaa waxa uu ka dhacay Hoolka Taaj Mahal ee Magaalada Minneapolis.
Shirkan oo ay siwada jir ah u soo qaban qaabiyeen gudiga qurba Joogta Puntland iyo gudiga odayaasha Sool Sanaag iyo Cayn ee Gobolka Minnesota ayaa Waxaa shirkan si qurux badan u xiriirinayey Cabdifatah Maxamuud X. Cumar Camey.
Kadib ayadihii quraanka iyo furitaankii waxaa hadalka furay Gudoomiyaha Jaaliyada SSC ee gobolka Minnesota Farah Mireh Ahmed ahna xubin katirsan Boardka PDF. Mr Farah waxa uu ku soo dhoweeyey una mahad celiyey taageerayaashii musharaxa ee xaflada ka soo qaybgalay, wuxuuna ka hadlay ujeedada xaflada iyo in maanta midnimo dhanwalba ah loo bahanyahay.
Intaas kadib waxaa makarifoonka lagu soo dhoweeyey Wakiilka Boqorka Daarood ee Minnesota Mudane Cabdullaahi Ahmed Khayr, Cabdullaahi wuxuu aad uga hadlay dhibaatada iyo siyaasad xumada Soomaaliya ku habsatey iyo burburka dhan walba saameeyey iyo sida keliya oo looga bixikaraa inay tahay in la taageero dadka aqoonteedana leh muujiyeyna geesinimada ah inay dabkaas ka holcaya Soomliya ugu badheedhaan.
Boqorka ayaa weydiiyey dhamaan dadkii madasha fadhiyey inay la taageeraan Musharaxa madaxweynaha mustaqbalka Soomaaliya Mohamed Saleebaan Dirir. Intaas ka bacdina wuxuu u duceeyey dhamaan ummadda soomaliyeed.
Waxaa isaguna halkaas ka jeediyey haddalo qiima badan oo isugu jira talo, taageero iyo taariikhba Oday Caabi Faarax oo kamida odayaasha Reer Puntland ee Minnesota. Dhanka hablaha reer Puntland Dr Luul Xasan Xuseen ama luul Xasan Laari ayaa aad uga hadashay in aanu marin jidkii ay ku fashilmeen kuwii ka horeeyay ee jagadan loo doortay oo maanta loo baahanyahay in wada cusub oo taas ka bedelan la maro. Waxay kaloo luul kula talisay inuu musharaxu gacan ka geysto xalinta khilaafaadka Puntland dhexdeeda ka jira markuu tago Puntland.
waxaa sidoo kale ka hadashay Shugri Xasan Gamgam oo ah Gudoomiyaha hablaha SSC ee Minnesota oo ka hadashay sida maanta isbedel loogu baahanyahay.
Waxaa runtii la orankaraa taageerada musharaxa reer puntland looma kala harin, Cabdi Xabiib oo ah Xoghayaha PDF (Puntland Diaspora Forum) ayaa ka codsaday dhamaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland inay Dhaqaale, Talo iyo Codba taageeraan Musharax Maxamed Saleebaan. Waxaa isaguna halkaas ka hadlay Yaasiin Yaabarag oo kamid ah hogaanka sare ee PDF oo dhowaan ka soo laabtay Puntland.
Mudane Yaabarag wuxuu sheegay inuu Musharaxa taageeray ka dib markii uu waraysi dheer iyo kulama badan laqaatay wuxuuna kula taliyey inuu shacabka, Madaxda iyo dhamaan wax garadka reer puntland la shiro markuu dalkii tago iyaguna taageeraan. Mudane Yaabarag wuxuu sheegay in Nadaamka Federaaliga ah lagu xalin karo dhibka manta Soomaali haysta oo isagu maanta yahay sida ugu fudud ee loo xalin karo mushaakilka ina haysta. Ugu danbayntii Mudane Yaasiin Yaabarag ayaa Musharaxa ku soo dhoweeyey Makarifoonka, Musharaxa ayaa aad uga hadlay Waxyaabaha ku kalifay inuu maanta jagadaas isu taago iyo qorshihiisa ku aadan xal u helka arimaha murugsan ee Soomaaliya, wuxuu sheegay in xalka Soomaliya maanta ku jiro Soomaali oo la timaada wixii hore wax ka bedelan oo iyadu xalkeeda ka tashata.
Wuxuu sheegay in Ururka SYL2 oo uu kamid yahay inay yihiin urur isu taagey xalinta dhibaatada Soomaaliya iyagoon ahayn qabiil gaar ah, dangaar ahna wadan, koox ama degaan gaar ahna ahayn balse ay yihiin dhalinyaro soomaaliyeed oo isku feker ah oo doonaya inay maanta inta hadhay badbaadiyaan, Soomaaliweyna raadiyaan. Waxaanu leenahay buu yidhi hubka dhiga, qalinkana qaata. Wuxuu musharaxu ku soo gabagabeeyey Xukun doon manihin ee xal doon baanu nahay. Waxaanu doonaynaa inaanu Tuulo tuulo, Xaafad Xaafad iyo Degaan degaan aanu salka ka soo bilowno oo aanan waxba kor kaga keenin ee dadku hoos ka soo bilaaban heshiinta lagana gudbo nadaamka dadka aan ahayn Soomaalida ee danaha badan kaleh soomaaliya maalinba kor inagaga keenayaan wax aan shaqaynayn.
Comments
comments