“Israel ayaa Maraykanka xukunta”, iyo ereyo kale oo CNN-ta lagusoo qoray iyagoon ogayn (DAAWO)
CNN-tu markay ogolaatay in dadku ay kusoo darsan karaan Twitter-kooda iyagoo ka qeybqaadanaya barnaamijyada laga hadlayo, isla markaasna Twitterkooda waxay ku qoraan uu TV-ga meesha hoose ay kusoo qormayaan ayaan waxaan is dhahay waxbaa meeshaan kasoo socda.
Haddii dadka loo ogolaado inay si toos ah ugu qori karaan waxay ku fikirayaan waa fikrad khasaaro keeni karta maadaama dadku ay marmarka qaarkood ereyo xun soo qori karaan, ama ereyo shirkadda TV-ga iska leh aysan raali ka ahayn ay kusoo qori karaan.
Mar uu Rick Sanchez kala hadlayay Wolf Blitzer (labadooduba waxay leeyihiin laba barnaamij oo isku xiga) xiisadda ka kacsan bariga Jerusalaam ayaa ereyadii hoos kusoo qormayay waxay ahaayeen kuwo si aad ah wax uga sheegayay dalka Israaiil, Ereyadii hoos kusoo qormayay ayaa waxaa ka mid ahaa, “Israel is greedy,” and “Jewish lobby runs America.”, “Its time to cut Israel loose”
DAAWO (Waxaad u fiirsataa ereyada hoos kusoo qormaya)
Comments
comments