Calendar

Israel ayaa Fasaxday In Ka badan 900 oo Guryo cusub in laga dhiso deeganadda Xoogga lagu heesto Barriga Qudus

CB015977Wasiirka Arrimaha gudaha dowladda Israel, Eli Yishai ayaa sheegay in hadda ugu dambeen la fasaxay 930 oo guryo cusub oo laga dhisaayo bariga qudus.

Waxa uu sheegay in arrimntan muhiim ay tahay, Israel ayaa horrey halkaasi waxa deegan cusub uga sameeysay in ka badan 9,000 oo qof.

Arrintan waxa ay sii kala fogeyneysaa waan waanta la dhex wado Falstiiniyiinta iyo Israel, waxana xalka ugu weyn uu yahay in labada dhinac ay yeeshan labo wadan.

Israel ayaa wali sii wada guryaha sharci daradda ay ka dhiseeso Bariga magaaladda Qudus iyo Daanta Galbeed oo ah dhul la heesto,

Mareekanka iyo Briton ayaa horrey u cambaareeyay deegadda Israel ay ka sameyneyso dhulalka la heesto,

Si kastaba, Falastiin ayaa hadda wadda qorshayaal bisha Septemper ay ku rabto golaha amaanka QM in u aqoonsadaan dal madax banaan.waxa horrey u jiray wadamo badan oo carab ah iyo kuwa kale oo Falastiin u aqoonsaday dal calan leh.

Xafiiska wararka Webka www.Bartamaha.com Muqdisho Soomaaliya

 

Warar sugan iyo warbixino xiiso badan ka dalaaco www.Bartamaha.com

 

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: