Islaamiyiinta iyo Shacabka oo goobo ku wada dukaday iyo Madaxda Dowlada oo aan Madaxtooyada dhaafin (War-Bixin).
Bartamaha (Muqdisho):- Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya iyo Gobolo dhowr ah ayaa maanta fagaarayaal looga dukaday halka Madaxda Dowlada ay Villa Somalia ku wada dukadeen.
Sida www.Bartamaha.Com uu ugu kuurgalay Xaalada isbadalka iyo Farxada Ciida ee dalka Soomaaliya gaar ahaan Gobolada Koonfureed ayaa waxaanu diirada ku saarnay kuna ogaanay in qaabab kala duwan loo ciiday.
Dhulka ugu badan Bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya oo ay Islaamiyiinta Maamulaan ayaa maanta looga ciiday si daganaan ah iyo wada jir shacabka iyo Madaxda dhulka haysata.
Deegaanada Jubooyinka,Gedo,Bay iyo Bakool,qeybaha ugu badan Caasimada Muqdisho ,Hiiraan,Shabeelooyinka iyo qeybo kooban oo ka mida Galgaduud ayaa dadka iyo Madaxda u talisa ay ku wada dukadeen fagaarayaal.
Dhulka kooban oo ay Dowlada ka haysato Caasimada Muqdisho iyo deegaano kale ayaa iyana looga ciiday si dadka ay faraxsan yihiin oo ay xuriyad haysataan balse Madaxda Dowlada ay ku ciidayeen Xafiisyadooda,Hoteelada ay daganyihiin iyo Villa Somalia masjid ku yaala oo ay ku wada dukadeen.
Masjid uu horey u dhisay Madaxweyne Shariif ayaa noqday saldhiga ugu weyn ee si xur ah Madaxda ay ugu Cibaadaysan karaan waxaana maanta halkaasi ku dukaday Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirada Cusub.
Fagaarayaasha maanta caanka ah ee lagu dukaday ayaa waxaa ka mida Stadium Muqdisho,Maslax iyo Dayniile oo ay haystaan Shabaab iyadoo sidoo kale lagu dukaday fagaaraha Xuriyada ee Magaalada Kismaayo iyo garoonka Dr.Ayuub Baydhabo,Garoonka Kubada Cagta Jowhar iyo fagaara ku yaala Marka oo ay ka taliyaan Kooxda ugu awooda roon koonfurta Soomaaliya ee Shabaab.
Shalay ayay ahayd markii Madaxda deegaan walba oo ay shabaabka haystaan ay soo saarayeen amar ku aadan in fagaarayaal magacyadooda warbaahinta laga daynayay ay shacabka ku dukanayaan.
Marka farta lagu taabto qaabka Caruurta ay u ciidayeen isbadalka labada dhinac ee Dowlada iyo Islaamiyiinta ayaa ah mid Xuriyad leh iyo mid caburin muuqata laga dareemayo.
Waxaa la diiday Bastooladaha,dhawaqa Mobailada qaar gaar ahaan Music iyo waxyaaba badan oo Islaamiyiinta diideen halka dhulka Dowlada aanay cidi eegin shaqada shacabka iyo xuriyadooda wallow amni daro guud la dareemayo sida cabsida laga qabo dhaca ay caadada ka dhigteen Ciidanka Dowlada.
Isbadalada iyo kala duwanaanshaha xagga dhaqanka ah ayaa salka ku haya xaalad dhalatay oo Koonfurta Soomaaliya ka taagan tan iyo bilowgee curashada Kooxaha isku haya siyaasada ee wada qaatay Magaca Diinta Islaamka.
Abdirizak Yusuf Kampala
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
.
Comments
comments