Xizbul Islaam oo maanta Xukun garaacid ah ku riday Haweenay iyo Laba nin oo lagu sheegay Tuuganimo.
Bartamaha(Toorotoorow):-Maamulka Xizbul Islaam Deegaanka Toorotoorow ayaa manta xukunka Tuuganimada u dabciyay Haweenay iyo Laba nin markii ay qabteen.
Fagaara ku yaala Deegaanka Toorotoorow oo ka mida Gobolka Sh/Hoose ayaa manta lagu garaacay Haweenay iyo Laba nin oo lagu shegay in ay xadeen Lacag iyo qalab kale.
Hawenayda iyo Labada Nin ayaa waxaa la sheegay in ay qabteen Ciidamada sidaasina loo xukumay iyadoo dadkii hantida laga Xalay aanay u soo dacwoonin Maamulka Xizbul Islaam.
Sheekh Xuseen Maxamed waxa uu hogaan ka yahay Deegaanka ay maamulaan Xizbul Islaam waxa uuna sheegay in dhammaan dadka la xukumay lagu dhiftay qofkiiba 10-Jaydal markii dacwada aanay gaarin gacan Jarow.
Wararka ayaa sheegaya in dadka la xukumay inta aanu xukunka ku dhicin la isku qabsaday iyadoo dad laga Xaday Lacag iyo Alaab Fudud ay sheegeen in ay cafiyeen wallow maamulka uu ku adkaystay in la Tacsiiro dadkaasi.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed Bartamnaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments