Isku dhac ciidamada Kenya iyo kooxo dabley ah ku dhexmaray xadka labada dal
Ciidamada ammaanka ee Kenya iyo kooxo hubaysan ayaa dagaal ku dhexmaray deegaan ku u dhow xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya.
Guddoomiyaha degmada Gaarisa ayaa sheegay in dagaalku uu qarxay kaddib markii ciidamada Kenya ay howgallo ka wadeen deegaannada ku dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, oo ay iska caabin kala kulmeen kooxo hubaysan.
Waxaana uu sheegay in ciidamada Kenya ay ka hortageen kooxahan oo doonayay inay gudaha u soo galaan Kenya oo ay fuliyaan weeraro ka dhan ah ammaanka dalka.
Masuulkan ayaa sheegan inay sii socon doonaan hawlgallada lagu ugaarsanayo kooxaha hubaysan ee xadka kasoo tallaaba kuwaasoo weeraro ka gaysta gudaha Kenya.
Comments
comments
Category : Wararka Maanta.