Isku aadka Ciyaaraha Qaramada qaarada yurub Sanada 2012 oo la sameeyay(Shaxda isku dhaca Kooxaha).
Bartamaha(Poland):-Ciyaaraha dhacaya 2012-ka ee Qaramada Qaarada Yurub ayaa si rasmi ah loo dhisay shaxdii ay isku arkayeen Ciyaarahaasi.
Waddamada isku arkaya is reebreebkan waxa ay gaarayaan 53 dal oo loo qeybiyay 9 qeybood ama bulog waxaa si toos ah usoo baxaya kaliya dalalka gala kaalinta 1aad, sidoo kale waxaa toos usoo baxaya dalka ugu dhibca bata dalalka gala kaalimaha 2aad, 8 sideeda dal ee soo harta ayaa min laba madaxa la isku gelinayaa si loo helo 4 dal oo kale, xisaabta dalalka is reebreebkan kasoo baxa ka dhiga 14 dal oo lagu dari doono labada dal ee tartanka marti gelinaya ee Poland iyo Ukrain, tirada guudna ka dhigi doona 16 dal.
Waa markii ugu horeysay oo tartan noocan oo kale ah lagu qabto labadan dal, inagoo wada xasuusana in tartankii lasoo dhaafay lagu qabtay labada dal ee Austria iyo Switzerland oo ay koobkiina kula hoydeen laacibiintii reer Spain.
Group A Germany Turkey Austria Belgium Kazakhstan Azerbaijan  |
Group B Russia Slovakia Republic of Ireland FYR Macedonia Armenia Andorra |
Group C Italy Serbia Northern Ireland Slovenia Estonia Faroe Islands |
Group D France Romania Bosnia-Herzegovina Belarus Albania Luxembourg |
Group E Netherlands Sweden Finland Hungary Moldova San Marino |
Group F Croatia Greece Israel Latvia Georgia Malta  |
Group G England Switzerland Bulgaria Wales Montenegro |
Group H Portugal Denmark Norway Cyprus Iceland |
Group I Spain Czech Republic Scotland Lithuania Liechtenstein |
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-S0malia.
Comments
comments