Iska Horimaad Culus oo u Dhexeeya Ciidamada Dowlada iyo Xoogaga ka soo Hor Jeeda oo Ka Socda Qeybo ka Mid ah Magaalada Muqdisho
Shabelle: MUQDISHO — Iska horimaad ayaa waxaa uu ciidamada dowlada iyo xoogaga ka soo hor jeeda ku dhex maraya qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid,waxaana weerao madafic ah ay ku hoobanayaan xaafdo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Iyadoo maalintii 5-aad ay galeen dagaalada u dhexeeya ciidamada dowlada iyo xoogaga ka soo hor jeeda ay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ka dhacayeen ayaa waxaa maanta dagaalo goos goos ah oo dib u soo xoogeysatay ay ka socdaan wadada warshadaha gaar ahaan degmada Yaaqshiid.
Dagaalka xoogiisa ayaa waxaa uu ka socodaa saldhiga degmada Yaaqshiid illaa Hotel Kaah ee degmadaasi halkaasi oo ay isku hor fadhiyaan ciidamo kala taabacsan dowlada kmg iyo xoogaga ka soo hor jeeda.
Madaafiicda iyo rasasta ay is weydaarsanayaan labada dhinac ayaa waxaa ku waxyeeloobay dad rayid ah,waxaana inta la hub ku nafwaayay illaa 3-qof oo ay madafiicda iyo rasaasta ugu tageen goobo ka baxsan halka lagu dagaalamayo iyo dhawac 6-qof oo ay haleeshay rasaas wiifto ah.
Iska horimaadkaasi oo weli socda ayaa waxaa barbar socda Duqeyn cuslus oo goordhow ka bilaabatay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho kadib markii madaafic lagu garaacaya goobaha ay ciidamada dowlada ku sugan yihiin taasi oo markii danbe sababtay in madaafiic laga tuuro xarumaha ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada kuwaasi oo ku dhacayay goobo badan oo ka tirsna magaalada Muqdisho.
Ma cada qasaaraha ay geysteen madaafiicdani oo ku dhacayay qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid iyo Wardhigleey,waxaana la maqlayay dhawaqa madaafiic cul culus oo aysan dhawaanahani maqan dhagaha shacabka,waxaana jiray madaafiic kale oo ay xoogaga mucaaradka ku ridayeen xarumaha ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.
Dagaalada maalmihii ugu danbeeyay ka dhacayay magaalada Muqdisho ee dhex marayay ciidamada dowlada iyo xoogaga ka soo hor jeeda ayaa geystay geerida in ka badan 100-qof iyo dhaawaca 150-qof oo rayid ah xili qasaaraha uu yahay mid sii kordhaya.
Waxaa muuqda in dhinacayada dagaalamaya aysan ka faa’iideysan baaqyada nabadeed ay u jeedinayaan dhinacyada daneeynaya in la joojiyo dagaalada ka socda magaalada Muqdisho.
Comments
comments