Iska hor-imaad dhexmaray ciidanka daraawiishta Puntland iyo kooxo hubaysan oo taabacsan alshabaab
Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay ciidamada daraawiishta Puntland iyo dagaalyahanada Shabaab ku dhex maray buuraha Galgala, halkaasoo ay saldhigyo ku leeyihiin Shabaab.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalka oo ka dhacay Aaga Sugure ayaa ka dambeeyay markii ciidamada daraawiishta Puntland ay ka bilaabeen howl gal, iyadoo halkaas markii dambe uu iska hor imaad ku dhex maray iyaga iyo Al-Shabaab.
Taliyaha Ciidamada daraawiishta ee Aaga Sugure Col. Afgaduud ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen hal ruux oo ka tirsan Shabaab, howl galkoodana ahaa mid ay ku sugayeen ammaanka.
Ma jirto ilaa iyo hada war ka madax banaan hadalka Taliyaha, sidoo kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Shabaab oo ku aadan dagaalka ka dhacay aaga Galgala.
Xoogag taabacsan Al-Shabaab ayaa deegaanada Buuraha Golis ka wada howl galo, iyagoo dhowr jeer weeraro ku qaaday fariisimo ciidamada Puntland ku lahaayeen duleedka Boosaaso.
Comments
comments